“Berbera Horumar Weyn Baa ka Hirgalay DP WORLD ka Dib” Xoghayaha Dawladda Hoose

0
383

Hargeysa (Dawan)- Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Berbera Cabdikariin Aadan Siciid, ayaa ka hadlay horumar ballaadhan oo degmada Berberi ay ku tallaabsatay wixii ka dambeeyay heshiiskii Somaliland ay la gashay DP-WORLD iyo Itoobiya ee sadex geesoodka ahaa, isla markaana waxa uu ka hadlay hannaanka ay u wada shaqeeyaan isaga iyo Maayerka degmada Berbera.

Xoghayaha oo shalay u warramay Eryal Tv waxaa kale oo uu intaa ku daray in uu aaminsan yahay in wada shaqayn sharci ku salaysan dalku horumar ku gaadhi karo

Xoghayaha oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Berberi sanadihii u dambeeyayba korbay u socotaa dhinacyada baaxada,dhismaha iyo dhaqaalahaba,waxaa kaloo ay nasiib u yeelatay mashquurii ugu horreeyay ee caalami ah ee heshiis caalami ah aynu dawlado kale iyo shirkadoba la galnay oo ah mashruucii DP=WORLD iyo Dawladda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya,illaa markii heshiiskaa lasoo hadal qaday illaa imikaoo uu dhamaaday Berbera wax weyn baa usoo kordhay hadday dhismeyaasha tahay,hadday ganacsiga ku soo kordhay ay tahay.”

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “shaqaalaha oo markii hore wer wer wayn laga qabay in shaqaalha la dhimo ama aanay waxtar badan keenin imikana qofkii hal milyan qaadan jiray waxaa uu qaataa lacag ku dhaw shan milyan,markaa maanta Berberi meelfiican ayay maraysaa qarankana hormuud ayay ka noqonaysaa.”

Xoghayaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay siday u wada shaqeeyaan isaga iyo Maayerku,ayaa ku jawaabay. “qofkii iska hadlayaa wuxuu doono ayuu iskaodhanayaa dadkeenuna ma yaqaanaan wada shaqaynta ho maayerka iyo xoghayuhu maaha in ay qof qudha isku yihiin,maayerku wuxuu leeyahay xuquuq dastuuriya iyo sharci oo uu ku shaqeeyo xoghayuhuna intaa in leeg ayuu leeyahay waxaanu ka tursan yahay dawladda dhexe labadooduna labashaqo ayay kala leeyihiin oo aan iksu waddo marayn iskuna qaldamayn hadana in ay wada shaqeeyaan waa muhiim,waxyaabo badan oo aanu isku diidno oo aanu dhexyadayada ka dhammaysanaana way jiraan laakiin waxaa jiri kara dad aan wanaagga doonayn oo faro ku tiring ah oo jecel markasta in la is haysto oo muran taagnaado.”

Ugu dambayn Xoghayaha oo ka hadlayay sababta guusha Berbera u keentay sida ay qaybta uga yihiin,ayaa yihdi.”xildhibaanada golaha deegaanka Berbera, gudiga fulinta dawladda hoose,maayerka iyo ku-xigeenkiisa iyo xoghayaha dawladda oo xukuumadda dhexe ka socda wada shaqayntooduna waa ta keentay guusha maanta Berberi ay gaadhay iyo in ay Berberi noqoto iftiin ka dhex soda degmooyinka kale ee dalka,ciddii haysa wax aanu u heshiinay oo qalad ah way soo bandhigi kartaa laakiin way iska dhacdaa in baraha bulshada(Facebook) cid kaa caayaysa iyo cid ku dhaliilaysa iyo cid ku ammaanaysaba in aad aragto waxa keliya ee aanu u taaganahayba waxa weeye in Berbera aanu horumar gaadhsiino taasoo ah shaqada naloo igmaday ee anna aan dawladda dhexe ugu joogpo maayerkuna golaha deegaanku ugu doorteen taasina waa ta aanu u taaganahay waxaanan ognahay in is qabsiga iyo muranka ay kawacan tahay wada shaqaynta sharciga waafaqsan taasoo dalka iyo dadkaba wax u taraysa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply