“Dekeda Berbera Waxay la Tartamaysaa Dekedaha aynu Jaarka Nahay”

0
353

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in maalgalinta ay dekeda Berbera ku samaynayso shirkada DP World ay horseedi doonto in shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka gansadaan dekeda Berbera.

Maxamed Cali Xirsi oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa waxa uu tilmaamay in heshiiskii ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkada DP World ee lagu balaadhinayo laguna casriyaynayo dekeda Berbera ay tahay fursad dekedeenu kula tartami karto dekedaha aynu jaarka nahay iyo dekeda geeska Afrika, waxaana uu hoosta ka xariiqay in la samayn doono wadooyin isku xidha Somaliland iyo deegaanada dalka Itoobiya.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dekeda Berbera waxa ay la tartamaysaa dekedaha aynu jaarka nahay, waana heshiiska ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkada DP World ee lagu balaadhinayo dekeda Berbera,waxaana la dhisaayaa 650 waddooyin, kuwaasi oo laga hirgelinayo xuduuda ayaynu la leenahay Itoobiya, tusaale ahaan Gorayo Cawl iyo Awbare, waddo ayaa laga samaynayaa, Baligubadle, Dhagaxbuur iyo Nogob waddo isku xidha ayaa laga samaynayaa, Wajaale iyo Faafan wado isku xidha ayaa layga samaynayaa, Ina guuxe iyo Awaare wado isku xidha ayaa laga samaynayaa, shantaa milyan ee ku nool kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya meesha ay ka ganacsanayaan waa dekeda Berbera”.

Sidoo kale xildhibaan Obama waxa uu ku ee deeyay dawlada Soomaaliya in ay caadaysatay cadaawada ay u hayso Somaliland, waxaana uu yidhi “Dawlada Soomaaliya waxa ay caadaysatay cadaawada ay u hayso Somaliland, waxaana la soo gaadhay wakhtigii shacabka reer Somaliland si adag uga hadli lahaayeen farogalinta ay Soomaaliya ku hayso Somaliland, waxaana aan ayidsanahay in la joojiyo wadahadalada aynu la wadno Soomaaliya”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply