Golaha Wakiilada oo Go’aan Sharci ka Gaadhay Mooshinka Xil ka Qaadista Maayarada

0
446

Hargeysa (Dawan)- Golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aan sharci ka gaadhay Mooshin la xidhiidha xil ka qaadista Maayaradda dawladaha hoose iyo ku xigeennadooda, oo ay dhawaan golaha soo hor-dhigeen xubno ka mid ah mudanayaasha.

Guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Baashe Maxamed Faarax oo shir guddoominayay fadhigii shalay ee golaha ayaa mudanayaashii soo xaadiray golaha ku wargaliyay in ay soo gaadhay jawaabta la taliyaha dhanka sharciga ee golahaasi oo soo darsayay mooshin dhawaanka.

Xoghayaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa mudanayaasha u akhriyay jawaabta sharciga ah ee uu goalaha u soo gudbiyay la taliyaha sharciga ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Cabdiraxmaan Hirad Jaamac, waxaanay u dhignayd sidan:-

“Anigo tixraacaya qoraalkii ujeedaddiisu aheyd mooshin ku saabsan Xeer/Lr/23/200 ee ay soo gudbiyeen mudanayaasha ku saxeexan mooshinka ee faahfaahtiisuna aheyd.

“Soo gudbin mooshin ku saabsan wax ka badelka qodobka (5aad) ee Xeer/Lr23/2002 qodobkan oo tilmaaya xil ka qaadista duqa iyo ku xigeenkiisa sida ka muuqata qodobka 66-naad e(5-naad) oo u dhigan sidan

“Xil ka qaadista duqa iyo ku xigeenkiisa waxay ansaxayaan saddex meelood laba meelood (2/3) tirada xubnaha golaha”

Kadib markaan garawsaday:– nuxurka mooshinka ee ay mudayanaashu soo gudbiyeen

Kadib markaan garawsaday :– Tilmaamaha ku xusan qodobka 42-naad farqadiisa 1-aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada Xeer/Lr/12/2014 oo u dhigan sidan

“Mudanayaashu waxaa ay xaq u leeyihiin inay soo qoraan codsi mooshin waaanay ku soo hagaajinayaan xoghayaha guud”

Kadib markaan dhuuxay:– Farqadda 8aad ee isla qodobka 42-naad ee xeer hoosaadka golaha wakiiladda Xeer/Lr/12/2014 oo u dhignaa sidan

Tirada xildhibaanada mooshin keeni karta waa inaanay ka yarayn todobaad xubnood (7) haddaanu xeerarku si kale u sheegin.

Kadib markaan akhriyay qodobka 43 (3)(B) ee xeer hoosaadka golaha wakiiladda Xeer Lr/12/2014 oo jidaynaya habka codsiga iyo noocyada mooshinada islamarkaana u dhignaa sidan

Farqadda 3aad (B) “Mooshin ku saabsan kaabis iyo wax ka bedel mashruuc sharci ama kaabis (motion to amend)

Hadaba anigoo tixraacaya qodobka 42-naad (4aad) ee xeer hoosaadka golaha wakiiladda Xeer/Lr/12/2014 oo u dhignaa sidan

“Mooshinka waxaa loo gudbinayaa la taliyaha sharciga si uu u hubiyo in mooshinka waafaqsan yahay xeer hoosaadka iyo dastuurka JMS”

Sidaas darteedd waxaan xaqiiqsaday in mooshinkani ay mudanayaashu soo gudbiyeen waafaqsan yahay Xeer hoosaadka golaha wakiiladda xeer/12/2014 islamarkaana waxaan ku tala bixinayaa in mooshinka loo gudbiniyo gole weynaha.”

By. Khadar M. Xaashi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply