Muxuu Somaliland u soo Kordhiyey Socdaalkii Madaxweyne Muuse ku Tagay UAE

0
347

Hargeysa (Dawan)- Socdaalkii toddobada maalmood qaatay ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uu ku tagay dalka UAE ayaa noqday mid ahmiyad siyaasadeed u yeeshay Jamhuuriyadda Somaliland oo u muuqata inay dardar horle gelinayso qaddiyada madax-bannaanida Somaliand.

Natiijadii ka soo baxday booqashadaas ayaa ifaafaale wanaagsan u noqonaysa laydha aqoonsiga oo kaabiga u soo saaran Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xukuumadiisu dejisay qorshe xeeladiisu sarreyso oo lagu wajahayo aqoonsi raadinta ayaa safarkii saddexaad ee uu dibadda ugu baxo tan iyo markii la doortay kal-hore u xushay waddanka UAE oo sannadihii la soo dhaafay Somaliland la yeelatay iskaashi ganacsi iyo cilaaqaad dhaqaale oo ay ka mid yihiin casriyeynta marsada Berbera oo shirkadda DP World qandaraas lagu siiyey iyo dawladda Dubia oo saldhig millatari ka dhisanaysa magaalo xeebeeda Berbera.

Waxase labadan heshiis ay fure u noqdeen in wax wada qabsiga labada geesood uu haatan isu beddelo mid aan ku koobnayn ganacsi kaliya balse ay rafiiq ku noqdeen siyaasadda mandaqada geeska Afrika oo maalgelintooda ay kala hororsanayaan dawladaha tanaaday ee dhaqaalaha ku horumaray.

Natiijada socdaalkii madaxweynaha Somaliland waxa ka mid ahaa in dawladda Imaaraadku ka aqbashay madaxweynaha inay fiisayso baasaboorka Somaliland iyo in suuqa shaqo ee waddanka imaaraadka carabta kaalin laga siiyo dhallinyarada iyo muwaadiniinta Somaliland.

Waxa Iyana talaabo kale oo weyn ahayd in xafiiska ganacsi ee Somaliland Isniintii toddobaadkan looga furay xarunta rugta ganacsiga Dubia,oo lagu wado inuu noqdo biriishka isku xidhi doona danaha labada dawladood ee walaalaha ah.

Sidoo kale waxa dawladda Imaaraadku ay madaxweynaha u balanqaaday Tababarka ciidammada. Shirkadda DP World ee maalgashatay marsadda Berbera ayaa iyaduna sannadkan bilaabaysa deked dhererkeedu yahay 800 oo mitir, halka markii hore heshiisku dhigayay inay dhisto deked cusub oo 400 oo mitir ah.

Ugu dembayn, Safarkii madaxweyne Muuse wuxuu bilow wanaagsan u noqdey siyaasadda dibadda ee xukuumadda cusub oo hadafkeedu yahay in aqoonsiga iyo maalgashiga la geliyo dedaal isku mid ah, maadaama oo labaduba yihiin qaar isku xidhan oo ka midho-dhalintooduna midba mid ka kale ku tiirsan yahay.

Xigasho: Wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA

Leave a Reply