Wakaaladda Biyaha Hargaysa oo Qiimo Go’an u Jartay Biyoolayaasha

0
382

Hargaysa (Dawan): Mareeyaha Wakaalada biyaha caasimadda Hargaysa Maxamed Cali Axmed (Daarood), ayaa sheegay in shaaciyay in ay biyoolayaasha ka shaqeeya magaalada Hargeysa ay u jareen qiimo go’an oo ay ku iibiyaa biyaha, waxaanu ka digay in qiimo aan kaa ahayn lagu iibyo biyaha.

Maxamed Cali Axmed Daarood oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in astaamo u gaar ah iyo qiimaha ay biyaha ku iibin karaan ay u sameeyeen Dameerleyaasha biyaha u dhaamiya magaalada Hargaysa.

Maareeyaha ayaa u soo jeediyay Dameerleyaasha biyaha dhaamiya in qiimaha ay doonaan aanay ku iibin karin biyaha, waxaanu yidhi “Dameerleyaasha biyaha u dhaamiya magaalada Hargaysa u jeedada aanu ugu yeedhnay ee wakaalada loogu soo ururiyay waxay ahayd in loo sameeyo astaamo u gaar ah, laguna dhajiyo qiimaha ay wakaalada biyaha u goysay in shacabka Hargaysa biyaha ay kaga iibiyaan.”

Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa uu intaasi raaciyay “Waxaanu hore uga mamnuucnay in biyaha aanay qiimaha ay doonaan kaga iibin shacabka, waxaana wakaalada biyahu ay u goysay in dameerleyaashu foostada biyaha ah ku iibiyaan 12 kun oo shilinka Somaliland ah”.

Maxamed Cali Daarood waxa uu tilmaamay in ay dulmi tahay in qiimo laban laaban biyaha lagaga iibiyo shacabka Hargaysa, waxaanu yidhi “Ma habboona in qiimiha la doono lagu iibiyo biyaha, waana dulmi in ay shacabka kaga iibiyaan foostada biyaha ah qiimo gaadhaya 18 kun oo shilin iyo 20 kun oo shilin.”

Maareyuhu waxa uu intaasi ku daray “Manaan dulmiyin, waana qiimo ku haboon qiimaha aanu u goynay in biyaha lagu iibiyo oo ay ku faa’iidayaan Dameerleyaashu duruufahooda kale-na waanu ka warhaynaa, waxaananu isku dayaynaa sidii biyaha ay u heli lahaayeen oo aanay kaalmaha biyaha u dhaamiyaa wax cadibaada aanay kala kulmin”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply