Dawladda Imaaraadka Carabta oo Sheegay in ay Difaacayaan Somaliland iyo Danaha ay la Wadaagaan Weerar Kasta oo Ku Yimaada

0
299

Dubai (Dawan)- Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay difaaci doonaan Somaliland iyo danahooda dhaqaale ee deked.a Berbera labadaba, sidoo kalena ay diyaar u yihiin dhinacooda weerar kasta oo ka yimaada arrintaas, isla markaana aanu dagaalku ku koobnaan-doonin Somaliland oo kaliya.

Raysal wasaare ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta, ahna Wasiirka Madaxtooyada dalkaasi Mr. Sheekh Maansoor Bin Zayed Al Nahyan ayaa sheegay in aanay xukuumadda Somaliland keli ku ahaan doonin halis kasta oo dibada kaga timaada, waxaanu si cad u iftiimiyay kaalinta ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka qaadan doonto haddii xaalad dagaal ka dhalato dannahooda “Haddii ay taasi dhacdo waanu difaaci doonaa, marnaba iska hor imaadku annaga uun naguma koobnaanayo,” ayuu yidhi Sheekh Maansoor Bin Zayed Al Nahyaan oo ay wakaalada wararka ee Bloomberg wax ka waydiisay mawqifkooda. Waxaanu caddeeyay in wadamada Somaliland iyo Imaaraadku iska kaashan doonaan sidii ay u wada ilaashan lahaayeen dannaha ay wadaagaan.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ay wakaalada wararka ee Bloomberg waraysi kula yeelatay dalka Imaaraadka Carabta, muddadii weftiga madaxweynaha Somaliland ku sugnaa dalkaas, ayaa ka hadlay heshiiska horumarinta dekeda Berbera iyo halista kaga iman karta khilaafka dawladda Soomaaliya waxaanu yidhi “Haddii ay Soomaaliya go’aansato inay na weerarto, arrinta dekeda daraadeed, markaas waxaannu xaq u leenahay in aanu difaacanno madax-bannaanidayada.”

Mawqifkan dawladda Imaaraadka Carabtam ayaa la mid noqonaya ballan-qaad ay hore dawladda Itoobiya ugu shaacisay inay difaaci doonaan weerar kasta oo dibeda kaga yimaada dalka Somaliland, xilli Raysal-wasaaraha xukunka iska casilay la hadlayey baarlamaankooda bishii shanaad, sannadkii 2013-kii, “Waan difaaci doonaa Somaliland, hadii weerar dibeda kaga yimaado ama halis kale kaga timaado jaarkooda Soomaaliya iyo xoogag shisheeye, sida shabaab,” ayuu yidhi Rraysal-wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Md. Desaleng.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply