Wasaaradda Ciyaaraha oo Dabagal ku Samaynaysa Ururro ku Shaqaysta Magaca Dhalinyaradda

0
435

Hargaysa (Dawan)- Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay qiimayn iyo dabagal ku samayn doonaan ururro ay sheegtay in ay ku shaqaystaan magaca dhalinyarada Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaarada Dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeya), ayaa tilmaamay in ay ku dabagelayaan shaqada ay dalka ka hayaan ururarada ka shaqeeya arrimaha dhalinyarada Somaliland.

Mamaxmed Xuseen Dhabeeye, oo hadal ka jeedinayay munaasibad lagu qabtay magaaladda Hargaysa oo lagaga dhawaaqayay urur dhalinayrro ayaa hoosta ka xariiqay in ay dejiyeen siyaasada lagu horumarinayo dhalinyaradda.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wasaarad ahaan urarada dhalinyarada waxaanu ku leenahay door weyn waanu diwaangalinaa shaqada ay hayaana waanu ku dabagalnaa. Qiimayn balaadhan iyo dabagal ayaanu ku samayn doonaa oo lagu xaqiijinayo ururarada ka shaqeeya arrimaha dhalinyarada ee ka diiwaangashan wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Kuwa shaqeeya iyo kuwa aan shaqayn ee jeebka la iskagaga haysto. Dalka oo dhan ayaanu ka samayn doonaa dabagal”.

“Waxaanan leenahay siyaasad aanu u dejinay horumarinta dhalinyarada Somaliland. Waxaanay siyaasadaasi qeexaysaa da’da dhalinyarada lagaga baxo dadka reer Somaliland waxay jecel yihiin in dhalinyaro sii ahaadaan , waxaana laga dhigay 15 jir ilaa 35 jir” ayuu yidhi agaasime Dhabeeye.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply