Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Isku Shaandheyn Ku Sameyey Waaxaha Wasaaradda

0
412

Hargeisa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa Magacaabis iyo isku shaan-dhayn ku sameeyay qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda arrimaha dibada.

Sidaana waxa lagu sheegay wareegto uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaanay u dhignayd wareegtadaasi sidan:- “Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ah, markuu arkay baahid loo qabo is isku bedel iyo isu shaadhayn lagu sameeyo waaxyaha wasaaradda qaarkood.

Markuu la tashaday Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud wasaaradda .waxa lagama maar maan noqotay in isku shaandheyn iyo isku bedel lagu lagu sameeyo agaasimayaasha iyo waaxyaha wasaaaradda qaarkood. Waxa uu go’aansaday in uu magacaabo masuuliyinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:-

Magac       Xilka loo magacabay

  1. Cabdirisaaq Mohamed Siciid Gees, Agaasimaha waaxda Hab-maamuska.
  2. CabdiqanI Ahmed Hassan Goole Agaasimaha Waaxda Mamaulka iyo lacagta.
  3. Fahmi Qaasim Mohamed, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda .
  4. Sucaad Muuse Ducaale, Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Calaamiga ah.
  5. Ahmed Yusuf Cilmi, Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta.
  6. Ahmed Xusein Liibaan, Madaxa Xisaabaadka Wasaaaradda.
  7. Salebaan Mohamoud Daahir, Ku Xigeenka agaasimaha waaxda Isgaadhsiinta.

Labada waaxood ee kale waa sidoodi oo waxba lagama bedelin. waxa la farayaa Agaasimaha Guud in uu xilalka u kale wareejiyo Masuuliyintas.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply