Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay in la Joojiyay Wadahadaladdii Soomaaliya Lagula Jiray

0
311

 

Hargaysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in gabi-ahaa ba joojiyay wada-hadaladdii u dhexeeyay dawladda Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay in ay dhawaan bilaabmaan, kadib markii maamulka Muqdisho ay weerar qaawan ku soo qaadeen qarannimadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dawladda taagta daran ee Soomaaliya ay muujisay cadaawada ay u qabto Somaliland, islamarkaana ay qaylo dheer ku dhufatey, iyadoo beesha caalamka ku jaah wareerinaysa inay Jamhuuriyadda Somaliland ku soo xad gudubtey. Hase yeeshee dedaal xoogan ay ka galeen inay caalamka tusaan xaqiiqada ah in aanay Jamhuuriyadda Somaaliland cidna ku xad gudbin oo ay xuduudaheeda ku jirto oo ay waliba 60 km ka sokeyso xadkeedii.

“Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya oo markii hore la qorsheeyey inay bilaabmaan 19-kii bishan March 2018-ka, waanu joojinay. Sababta oo ah xukuumadda Muqdisho ayaa weerar qaawan ku soo qaadey qarannimaddeena” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo shalay khudbadii dastuuriga ahayd ka hor jeediyay fadhi wada jir ah oo ay isugu yimaadeen labdada gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaana ay joob joog ka ahaayeen xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada iyo marti shafar kale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in maamuladdii kala danbeeyay ee soo maray dalka Soomaaliya in aanay marnaba shacabkoodu soo dooran, wax awood ah oo ay leeyihiinna aanay jirin, isla markaana beesha caalamku og tahay in Somaliland muddo 27 sanadood ah ay ka madax bannaan tahay waxa ka dhacaya Soomaaliya.

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Nimanka Muqdisho jooga ee weerarka qaawan soo qaaday, sharciyan caalamka oo dhan baa og in aynaan shaqo ku lahayn waxa ay dhisteen. Xasan Sheekh Maxamuud (madaxweynihii hore ee Soomaaliya) waxa doortay wufuud ka kala socotay afar maamul-goboleed, halka Farmaajo ay doorteen ergooyin ka yimid lix Maamul-goboleed. Jamhuuriyadda Somaliland ilaa sannadkii 1991-kii, marna waxa halkaa ka socda shaqo kumay lahayn, caalamku-na wuu og-yahay”.

Madaxweyne Biixi, waxa kale oo uu sheegay in dawladda Muqdisho ay isku dayday in ay indhaha caalamka ku jaah-wareeriso in Somaliland ku soo xad-gudubtay, hase yeeshee Jamhuuriyadda Somaliland ay caalamka tustay xaqiiqadda ah in aanay cid-na ku xad gudbin, dalkeedii-na ku jirto oo weliba 60-KM ay ka sokayso xadkeedii. Madaxweynaha Somaliland isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumadda Soomaaliya qaylo dheer ayay ku dhufatay, iyadoo beesha caalamka ku jaah-wareerinaysa inay Jamhuuriyadda Somaliland ku soo xad gudubtay. Hase yeeshee dedaal xoogan ayaannu ka galnay in aanu caalamka tusno xaqiiqada ah in aanay Jamhuuriyadda Somaaliland cid-na ku xad gudbin, dalkeedii-na ku jirto oo weliba 60-KM ay ka sokayso xadkeedii.

Waxa iyana xusiddeeda leh, in dawladaha aynu deriska nahay iyo kuwa kale ee aynu saaxiibka nahay kor u qaadeen karaamadii iyo maamuuskii inaga dhaxeeyey. Taas oo ku timid dedaalkii dheeraa ee shacbiga xariirta ah ee Somaliland u galay nabadgalyada, horumarka iyo doorashooyinka xorta ah”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay ayaa tilmaamay in Somaliland lagu majeerto sida nabadgelyadda leh ee ay codkoodda ugu kala bedelaan madaxweyneyaashoodda, isla markaana ay dunidda gaadhsiiyeen in aanay kala masuugin Somaliland aqoonsiga ay mutaysaty waxaanu yidhi “Waxa la innagu majeertaa sida nabadgelyada leh ee codka shacbigu u kala bedelo hogaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Ssomaliland. Xukuumaddani, iyadoo fulinaysa rabitaanka shacbiga, waxay si cad u gaadhsiisay dawladaha caalamka in aanay kala masuugin Somaliland aqoonsiga ay mutaysaty”.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland waxa uu jawaab waafi ah ka bixyay go’aankii uu u soo gudbiyay xisbiga Waddani ee uu kalsoonida kagala noqday xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka, waxaanu ku tilmaamay dood xaqiiqada ka fog, isla markaana aan sharciga ku salaysnayn.

“Xisbiga Waddani waxa uu ii soo gudbiyey 22-kii March, 2018, qoraal ah codsi xil ka qaadis xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku duraaya doorashadii Madaxtooyadda ee ay Guddidu qabatay bishii November 13, 2017-kii.

Guddida doorashooyinka qaranku waxa ay fuliyeen dhammaan xeerarkii iyo hab-raacyaddii sharci ee doorashada. Waxa ay dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo waafaqsan xeerarka doorashada. Waxa ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah dal iyo dibadba. Waxa u marag-furay Guddida doorashooyinka qaranka in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen doorashadii Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga ahaa.

Sidaa daraadeed, waxaan u arkaa dood xaqiiqda ka fog, sharcigana baal-marsan, oo lagu carqaladaynayo hanaanka geedi-socodka doorashooyinka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply