Madaxweynaha oo Cisbitaalka Ku Booqday Ciise Xaaji Shaacuur (Ciise Degele)

0
378

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay ku booqday Dhakhtarka Hargeysa  Neurology oday Ciise Xaaji Shaacuur (Ciise Degele) oo xaalad  bukaan u jiifa cisbitaalkaasi. Booqashada uu madaxweynuhu ugu tegay Ciise Degele oo ka mid ah odayaasha taariikhda ma guuraanka ah ku leh bulshada Somaliland, muddo 45 sano ahna maayar ka ahaa magaalada Taleex ee gobolka Xaysimo, ayaa la xidhiidha sidii uu madaxweynuhu xogogaal ugu noqon lahaa xaaladiisa caafimaad ugana war hayn lahaa, iyadoo laga soo qaaday magaalada Taleex.

Waxanu madaxweynuhu ALLE  uga baryey oday Ciise Xaaji Shaacuur in uu caafimaad qab taama siiyo kana dul-qaado xanuunka isaga iyo inta bukta ee xaalad bukaan awgeed u jiifta cisbitaalada iyo guryahaba,.

Waxaanu madaxweynuhu intaa ka dib soo maray bukaanka cisbitaalka ku jira oo qaarkood xaaladoodu cuslayd iyadoo uu dhakhtarkuna u sharraxay xaaladooda caafimaad iyo sida ay ugu hawlan yihiin inay u gargaaraan dadkaasi wixii ay wax u qaban karaan, waxaanu madaxweynuhu bukaanka  ALLE  uga baryey inuu dhibta iyo xannuunka ka dulqaado uguna bedelo caafimaad sareecana.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply