Somaliland oo ka Jawaabtay Dacwadda Dawladda Muqdisho ka Gudbisay DP World

0
307

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay dacwadda ka dhanka ah heshiiska dekadda Berbera ee ay dawladda taagta daran ee Soomaaliya u gudbisay Qaramadda Midoobay. Waxaanay xukuumaddu dacwadaasi ku tilmaantay mid aan waxba ka bedeli doonin heshiiska.

Wasiirka arrimaha Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in aanay Soomaaliya awood u lahayn in ay ka dacwooto heshiiskaasi, maadaama oo aanay iyadu ka talilin dhulka Somaliland.

Wasiir Sacad, waxa uu sheegay in heshiska ay Somaliland la gashay shirkadda DP World aanu waxba ka duwanayn heshiisyadii ay hore ula geli jirtay dawladaha iyo shirkadaha caalamka. waxaanu yidhi “Heshiisyadda ay Somaliland la gasho caalamka intiisa kale waa xalaal, waana sharci. Heshiiska aannu la galnay shirkadda DP World-na wuxuun buu la mid yahay heshiisyadii aanu hore ula geli jirnay shirkadaha iyo dawladaha caalamka”.

“Cid-naba laguma dacweyn karro heshiiskaasi aanu la galnay dawladda Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP World. Waana heshiis dhaqaale iyo horumarineed, oo u dan ah dadka reer Somaliland, dadka reer Itoobiya, dadka reer Soomaaliya iyo bulshadda Geeska Afrika oo dhan, oo ay tahay in la soo dhaweeyo. Balse in la dacweeyo ma aha” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Dr. Sacad isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Dawladda federaalka Soomaaliya meel ayay ka talisaa, oo sharcigeedda iyo xukunkeedu ka socdaa, wixii kuwaa khuseeya intay ka taliso ha ka dacwooto, laakiin meel aanay kaba talinin, kama dacwoon karto”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply