Somaliland oo ka Qayb-galaysa Tartan Ciyaareed Caalami ah

0
277

Hargeysa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb-galaysa tartan caalami ah oo dhiaca orodada ah, kaasi oo ka qabsoomi doona dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, isla markaana ay ka qaby qaadanayaan in ka badan soddon dal oo isaga kala yimi waddamada duniada.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo ay xubno ka yihiin ciyaartoyga reer Somaliland ee tartankaasi ka qayb qaadanaya ayaa shalay ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa (Cigaal Internation Airport) iyaga oo sii jeeda dalka Jabuuti.

Weftigan uu hoggaaminaayo wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyaradda Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka qeyb galka tartankan lagu casuumay. Waxaana Somaliland tartanka uga qeyb geli doona laba ciyaar yahan oo ku ordi doona magaca Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada iyo Somaliland Boos Mire oo ka hadlay safarkan ay ku tagayaan dalka Jabuuti, waxa uu yidhi “Ujeedada aanu ugu safrayno dalka Jabuuti waxa weeye, in ciyaartoydan reer Somaliland ay ka qayb galaan tartan caalami ah oo dhinaca orodada ah, kaasi oo ka qabsoomi doona dalka Jabuuti, isla markaana lagu soo casuumay Jamhuuriyadda Somaliland, aad baan ugu faraxsanahay in Somaliland ka qayb gasho tartan caalami ah oo noocan oo kale ah, bulshada reer Somaliland-na waxaan leeyahay u soo duceeya inamadani tartanka ka qeyb galaya, anaguna dhiirigelin ahaan ayaan ula soconaa, sidaasi ayaanunu ku baxnay.”.

Ciyaaryahanada cabbiray dareenkooda waxay sheegeen in ay filanayaan guul ballaadhan oo ay tartankaasi ka soo hooyaan, waxaana hadalkoodii ka mid ahaa, “Waxaan doonayaa in aa magac u soo jiido guud ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan ILLAAHAY ka rajaynayaa in aan ku guulaysto tartankaasi oo aa kaalinta koobaad ka galo, Somalilad-na aan magac u soo jiido.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply