Suldaanka Guud ee Gobolka Badhan oo Marti-qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland

0
355

Badhan (Dawan)- Suldaanka guud ee gobolada Badhan iyo Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa qado sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland, Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle iyo hawl-wadeenada Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee ku gudo jira tirakoobka madax taabashada ah ee shaqaalaha oo ku sugan xarunta gobolka Badhan.

Suldaan Siciid ayaa sooryo sharafeedka uu ku qaabilay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland iyo hawl-wadeenad hay’addiisa ee socdaalka shaqo ku weheliya ka sheegay in guddoomiye Sharmaarke uu yahay masuul ka soo baxay hawshii iyo xilkii madaxweynaha Somaliland u igmaday, isla markaana uu ku guulaystay in uu sugo oo uu soo diiwaan galiyay shaqaalaha dawladda Somaliland bari illaa galbeed.

Qado sharaftan guddoomiyaha lagu maamuusay ayaa waxa uu ku mutaystay diwaan-galinta shaqaalaha ee uu ka waddo magaalada badhan taas oo suldaankuna ku tilmaamay in ay tahay mid hay’adda shaqaalaha dawladdu dalka oo dhan ka hirgalisay

“Guddoomiyaha Haay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland mudane Sharmaake Geelle, waxaan odhan karaa Madaxwayne waa nin hawshii aad u dirtay sideedii u fuliyay bari, galbeed, waqooyi iyo ilaa hawd, waad arkaysaa sida aan nasashadda lahayd ee uu ninkaasi shaqadii uga soo baxay, aniga oo ah suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire waan ku hambalyaynaa inaanu maanta qado sharaf ku maamuusnay halkan ugu samayno taasina waa mid aanu ku amaanayno hawsha uu qaranka u hayo.”

Dhinaca kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland ayaa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire ugu mahad celiyay qaabka ay ku dheehan tahay dadnimadu iyo wanaaggu ee ay ugu sameyeen Sooryadan, waxaana uu sheegay in baahiyo badan oo deegaanka ka jira isla markaasina suldaanku faray uu gaadhsiin doono xukuumadda sare.

“Suldaan anaga oo hawshii qaranka dhinacayaga kaga jirna waanu kaaga mahad naqaynaa sooryadan aad nagu maamuustay waxaanan ku leenahay ILLAAHAY adigana ha kaa aqbalo wanaagga aad noo samaysay hawsha aanu u soconana waa tirakoobkii shaqaalaah dawlada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply