Wasiirkii Hore ee Difaaca oo ka Hadlay Waxtarka Somaliland ugu Jira Saldhigga Millatari iyo DP-WORLD

0
300

Hargeysa (Dawan):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa si faah faahsan uga hadlay faa’iidooyinka iyo waxtarka ugu jira Somaliland heshiiska saldhigga Millatari ee Berbera ee ay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Somaliland wada galeen iyo heshiiska balaadhinta iyo casriyaynta dekeda Berbera ee sadex geesoodka ah ee ay Somalilland la gashay DP-WORLD iyo Itoobiya.

Waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay qoraalo madaxda dawladda Soomaaliya u qortay meelo kala duwan oo ay ku sheeganayso in ay Somaliland iyaga ka mid tahay, isla markaana ay ku diidan tahay heshiiska Somaliland la gashay dalalka kale iyo shirkadaha DP World. Sidoo kale waxa uu ka hadlay is-bedelka ka dhacay dalka Itoobiya siduu u arko iyo wuxuu ka bedeli karo xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeyay.

Axmed Xaaji Cali Cadami oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, waxa kale oo uu si waaya aragnimo leh uu uga hadlay hoggaaminta afar madaxweyne oo uu la soo shaqeeyay oo Somaliland iskaga dambeeyay oo kala ah Madaxweynihii labaad ee Somaliland ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Madaxweynihii saddexaad Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynihii afraad Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha Maanta Muuse Biixi Cabdi.

Mudae Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa laga soo bilaabo dib ula soo noqoshadii Madaxbannaanida qarrannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ka mid ahaa hal-doorkii siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka soo qayb qaatay dib u dhiska qaranka Somaliland. waxaanu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland, marka laga reebo xukuumaddii koobaad ee uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxweynihii koobaad ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur).

Wasiirkii hore ee difaaca Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa kale oo uu ka soo qayb qaatay dib u sheshiisiinta beelaha Somaliland iyo nabadayntii dalka laga hir geliyay iyo dib u dhiskii dalka ee dhanka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka, isaga oo soo noqday Guddoomiyihii guddigii doorashooyinka ee ugu horreeyay ee dalka ka hirgeliyay doorashooyinkii ururada siyaasadda ee ugu horreeyay ee xisbiyada loogu soo gudbayay, kana soo baxayeen goleyaashii deegaan ee ugu horreeyay oo ay ku soo bexeen sadexdii xisbi siyaasadda ee UDUB, KULMIYE iyo UCID.

Sidoo kale, guddiga doorashooyinka ee uu Cadami gadhwadeenka ka ahaa waxa ay dalka ka qabteen doorashadii Madaxtooyada ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ku guulaystay iyo doorashadii xildhibaanada golaha wakiilada.

Waxa kale oo uu soo noqday Xukuumaddii Marxuum Cigaal Wasiirka Caafimaadka, halka uu xukuumaddii Madaxwweyne Siilaanyo uu noqday wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland oo uu noqday wasiirkii ugu mudada dheeraa ee soo mara wasaaradda difaaca Somaliland.

Cadami oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay waxtarka uu Somaliland u leeyahay heshiiska saldhigga Millatari ee Berbera ee xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadku wada galeen iyo heshiiska DP-WORLD, Itoobiya iyo Somaliland ay sadex geesoodka u galeen ee ballaadhinta iyo casriyaynta dekeda Berbera, ayaa yidhi “wuxuu soo kordhinayaa waa khayr iyo daruur roobaad oo Somaliland u curatay oo iskeen dul-taagtay oo inoo hoortay, waxaanay bilaw u tahay in Somaliland indhaha caalamka soo jiidan karto oo ay noqon karto dhul iyo dal la aamini karo oo cid heshiis la geli kara oo qawl leh oo sharcigu hago, waxay cid kale kula heshiiyaanna aan ka bixin, markaa waxay Somaliland u soo kordhinaysaa ee ay wax ka taraysaa waa in ay khayraadkeeda ka faa’iidaysan karto oo ay shaqo abuur samayn karto oo ay heli karto saaxiibo maal gashadeyaal ah oo dalkeeda ku soo dhiirada. marlaa waa albaabkii ugu horreeyay ee aynu u furnay dunida, waxaanu horseedi karaa in dalal badan iyo shirkado kale oo waawayn oo caalamka sumcad ku leh oo maal bandanna haystaa in ay Somaliland iman karaan. Waxaana innalaga gudboon in aynaan maalin walba hadal haynin heshiiska dekeda oo aynaan odhan wali lama bilaabin, hawli ma socoto iyo wax la mid ah ee waxaa loo baahan yahay in aynu dhankeena ka shaqayno oo aynu soo dhawayno wixii umad ahaan inoo faa’iido leh.”

Axmed Xaaji Cali Cadami oo wax laga waydiiyay siduu u arko qoraalo kala dambeeyay oo dawladda Soomaaliya caalamka u gudbisay oo ay ku sheeganaysay Somaliland in ay ka mid tahay iyaga isla markaana aanay ogolayn heshiisyo aanay ogayn in ay gasho, ayaa ku jawaabay “horta midnimo iyo ka hadalkeedu wuu soo dhamaaday oo taa cid waliba way ogtahay, midnimadii lixdankii wixii laga dhaxlayna waa laga dhereg san yahay iyo dhibaatooyinkii ay keentay. markaa ciddii midnimada burburisay in ay waliba yidhaahdaan yaanay waxba helin ee biyaha ha laga jaro oo qasabada annaga ayun baa ka cabbayna waa nolol u quudhi waa, waxaanan u soo jeedin lahaa laba dal oo walaalo ah oo dersi ah oo wax is tari kara innaga oo noqona ayaa ka wanaagsan in aad naga lulataan oo aad wanaag iyo nololba noo diidaan ee aan jaar wanaag ku wada noolaano, idinkuna intaad Somaliland ka hadalkeeda wakhti gelinaysaan tiina u gaar noqda oo danta dadkiina ka shaqeeya, intaa waxaan ku darayaa maanta caalamku wuu ogyahay xaqiiqada taalla Somaliland oo mid cid ka qarsoon maaha, waxay qoreena waa waraaq, waraaq la qoryana Somaliland arrimaheeda waxba kama bedelayso, hadday qaramada midoobay tahay iyo hadday dawladaha kale tahayba, waa la kala yaqaanaa Somaliland iyo Soomaaliya, maanta waxay kala yihiin, midna caalamka oo dhan ayaa nabad galyadeeda iyo dimuquraadiyadeeda ka hadlaya midna sidii horta nabad loogu seexan lahaa ayaa caalamka oo dhan hawl ku haysa. markaa waraaq nin isagaba nabadiisa caalamku sugayaa uu qoray waxay la mid tahay waraaq dabayli sidato.”

Cadami oo la waydiiyay is-bedelka Itoobiya iyo wuxuu ku soo kordhin karo Somaliland, ayaa yidhi “Itoobiya waa dal aynu deris nahay oo aynu wax badan wadaagno xidhiidh aad u qoto dheer oo saaxiibtinimona aynu leenahay, waxaanan qabaa is bedelka ku yimi hoggaankii sare ee dalka in uu wax inoo sii wanaajiyo iyo xidhiidhkeena oo sii xoogaysta uun ay ka iman doonto.”

Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay wuxuu ku xasuusan doono afar Madaxweyne oo Somaliland soo maray oo uu la soo shaqeeyay oo kala ah Marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha maanta Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku jawaabay “Waxaan ku xasuusan doonaa Maxamed Ibraahin Cigaal ALLE ha u naxariistee go’aan adayg iyo in uu ahaa is bedelkaa lagu liibaanay ee aynu ku nabad iyo caano maalnay hoggaamiyihii seeska u dhigay iyadoo cid waliba ay kaga carartay, waxaanan ku xasuusan doonaa in uu qarankan dhan ee taagan in uu aabbo u ahaa isaguna suura galiyay. Daahir Rayaale waxaan ku xasuusan karaa hirgelintii doorashooyinka iyo ku dhiirashadii uu ku qabtay. Axmed Siilaanyo waa nin aanu soo wada shaqaynay oo aanu Somaliland wada daafacnay, muu ahayn nin aanu kulanay nin aanu aqoon badan isu leenahay ayuu ahaa, waana nin aan intaan noolahay aan xasuusnaan doono, waxaanan ku xasuusnaan doonaa in uu dadkiisa aabbo wanaagsan oo daacad ah u ahaa oo horumarkooda iyo wax noqoshadooda wakhtigiisa u huray oo aan waligii ka daalin, aniguna waxaan ka mid ahaa raggii isku shaandhaynta badan ka bad-baaday, taana xisaab ayaa keentay ee wax iska dayn ah may ahayn. Muuse Biixi goorteeda ayaan sheegi doonaa waxa lagu xasuusan doono, waanu wada shaqaynay oo xisbiga ayaanu ka wada shaqaynay, taariikh halgan iyo ciidan oo badan ayuu leeyahay, laakiin imika ayuu xilkaba la wareegay ee aan sugno xilligeeda.” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadhaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply