Caruur Jadeeco ugu Dhimatay Deegaan ka Tirsan Ceel-Afweyn

0
326

Ceel Afweyn (Dawan)- Laba qof oo caruur ah ayaa la sheegay in ay u dhinteen halka lix kale-na ay u jiifaan xanuunka jadeecadda oo ka dilaacay degaanka Huluul oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Dawan, isaga oo ku sugnaa magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

“Tuuladda Huluul oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, laba caruur ah ayaa u dhintay, lix kale-na wuu soo ritay oo way u jiifaan, xanuunka jadeecadda oo halkaa ka dilaacay. Maamulka degmadda Ceel Af-weyn ayaa warbixintaasi na soo gaadhsiiyay.

Waxaan leeyahay, oo aan ugu baaqayaa wasaaradda caafimaadka ee qaranka iyo ta gobolka Sanaag, gurmad deg deg ah hawshaas halaga gallo” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro).

Geesta kale badhasaab Tiimbarro, waxa uu sheegay in ay koox caafimaad u direen degaanka Huluul ee labadda caruurta ah ay jadeecadda ugu dhinteen, waxaanu ugu baaqay wasaaradda caafimaadka iyo xukuumadaba in ay gurmad caafimaad ka galaan arrintaasi.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa lagu baxay, oo saaka (shalay subax) waxaanu degaankaasi Huluul ee jadeecadu ka dilaacday u dirnay koox caafimaad oo ka tegay magaaladda Ceerigaabo, waana lagu maqan yahay weli”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply