Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Xilal Cusub

0
454

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay soo saaray digreeto madaxweyne oo uu ku magacaabay afar iyo labaatan masuul oo ka mid ah xukuumaddiisa, kuwaasi oo isugu jira agaasmiyaaal guud, badhasaabo, ku xigeenno iyo saffiir.

Masuuliyiinan madaxweynuhu magacaabay ayaa isugu jira masuuliyiin cusub iyo kuwo hore xilal uga hayay xukuumadda oo isku belel lagu samayeeyay, halka qaarna xilkii ay hayeen laga qaaday, sidaana waxaa lagu sheegey warsaxaafadeed shalay laga soo saaray madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Warsaxaafadeedkaasi ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo soo gaadhay wargeyska Dawan, waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-70/042018 uu ku magacaabay 24 Masuul.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  2. Cali Xuseen Nuur Beegsi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.
  3. Dr. Axmed Cali Maax Warsame, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
  4. Mukhtaar Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
  5. Prof. Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray), Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
  6. Xuseen Maxamuud Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda.
  7. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska.

8.Eng. C abdiraxmaan Maxamed Muxummed , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

  1. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta.
  2. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.
  3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga.

12 Jamaal Cabdi Muuse Diiriye,   Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

  1. Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Bile, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
  2. Cali Maxamed Cali Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  3. Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.
  4. Axmed Muuse Muruud Muxumed, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
  5. Cabdikariim Xuseen Siciid, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  6. Cabdillaahi Maxamed Xaaji Ducaale, Safiirka Somaliland u fadhiya Midowga Africa.
  7. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha-balac) Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
  8. Axmed Cismaan Xasan Cilmi (Tima-cadde), Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
  9. Mustafe Cabdi Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle.
  10. Khadar Baaruud Cumar Cabsiiye, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.
  11. Maxamuud Ibraahin Axmed Ducaale (San-dheere), Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil
  12. Faysal Aw Jaamac Xirsi Xawte (Ilka-case) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka.

Masuuliyiinta aan xilka ka qaaday waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland”

Leave a Reply