Wasiirka Macdanta oo Rejo ka Muujiyay in Shiidaal Dalka Laga soo Saaro

0
280

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa shaaca ka qaaday in rejo wanaagsan laga qabo in dhawaan shiidaal baadhis laga bilaabo gobolo ka mid ah dalka.

Waxaanu sheegay in ay hadda muuqato yididiidlo fiican oo ah in meello ka mid ah dalka shiidaal laga soo saaro, siday dhawaan cadaysay shirkadda GENEL ENERGY oo hawlo sahaminta shiidaalka ah ka waday gobollo ka mid ah Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlayay hawlaha sahaminta shiidaalka ee dalka ka socda, waxa uu yidhi “Rejo wanaagsan ayay ka muujiyeen qaar ka mid ah shirkadaha sahaminta shiidaalka dalka ka waday. Iyadoo dhawaan ninka madaxda ka ah shirkadda GENEL ENERGY oo sahamin ka waday goboladda Saraar iyo Togdheer iyo Daadmadheedh, wuxuu tusaale u soo qaatay oo uu yidhi waxaanu ka dareemaynaa Somaliland, wixii aanu 15 sanadood ka hor ka dareemaynay gobolka Kurdistan, oo ku yaalla woqooyiga wadanka Ciraaq, oo imika meeshii la taabtaaba ay shiidaal tahay”.

Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxay cadaysay GENEL ENERGY in wixii ay 15 sanadood ka hor ku arkayeen Kurdistan ayaanu ku arkaynaa Somaliland. Markaa rejo wanaagsan ayay ka muujiyeen in shiidaal laga hello meelihii sahaminta laga sameeyay. Dhinaca gubanka ama xeebta Saaxil, rejadaas mid la mid ah ayaa laga filayaa”.

Geesta kale wasiirku waxa uu ka hadlay cabashooyin beryahan danbe ka soo yeedhay qaar ka mid ah shirkadaha adeega korontadda siiya caasimadda Hargaysa, iyada oo ay ku eedeeyeen in uu si gaara kooto ugu xidhay shirkadda Sompower oo uu wasiirku markii hore masuuliyiinteedda ka mid ahaa.

Hase yeeshee wasiirku waxa uu ku dooday in hadda uu yahay masuul qaran, isla markaana aanay kala xigsanaynin shirkadaha korontadda. Waxaanu sheegay in aanay weli shirkadahaasi qaarkood cabashadoodda soo gaadhsiinin xafiiskiisa, balse uu warbaahinta uun ka arko cabashadoodda.

Jaamac Maxamuud Cigaal, oo arrinta cabashadda shirkadaha korontadda ka hadlayay waxa uu yidhi “Cabashadu shirkadaha oo dhan ma aha, ee waa qaar ka mid ah. waana runtood in Sompower aan ka shaqayn jiray, laakiin markaa hore shirkad baan u shaqaynayay, imika-na masuul qaran baan ahay. Waxaanay tahay in aan ku shaqeeyo wixii la ii igmaday, ee aan u dhaartay, oo ah danta guud.

Anigoon u kala eexanayn shirkado, anigoon cid gaara danteedda eegaynin, waxaa igu waajib ah in aan ku dedaalo sidii wadanku u heli lahaa laydh tayo leh, bed-qaba, la-na awoodi karro qiimahiisa, in aan wadanka ka hirgelino.

Saddexdaas qodob ayaa ugu muhiimsan in la hello, saddexdaas qodob-ba anigoo ka duulaya, waa in koronto tayo leh, oo bed-qaba in wadankoo dhan la gaadhsiiyo, ayaanu ka shaqaynaynaa, waana wax nagu waajib ah”.

Wuxuu sheegay in aanay marnaba driiqa haboon ee cadaaladda ah ka leexin doonin in shirkad ama cid gaara ay garabka saaraan. “Uga tudhi maayo, kuna diidi maayo, tallaabadda haboon ee ay iila muuqata in ay dan u tahay wadanka, shirkad ayaa kaaga caban doonta, ama mid aan hore uga soo shaqayn jiray ha noqoto, ama mid aanan ka shaqayn jirinba ha noqotee. Uga tudhi mayno in shaqadu siday tahay ee aanu u dhaaranay aanu u qabano” ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo tamaarta Somaliland oo shalay u waramay telefishanka ERYAL.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply