Hay’adda Qaxoontiga oo Gaadiid ku Wareejisay Wasaaradda Caafimaadka

0
276

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif) ayaa gaadiidka gurmadka degdega ah ku wareejiyay Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

Gaadiidkan oo ahaa laba gaadhi oo Ambalaas ah ayaa loogu tala galay in loogu adeego bulshada Somaliland ee caafimaadka u tabaalaysan iyo dadka qaxoontiga ah ee dalka dibada uga yimaada.

Guddoomiyaha hay’ada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed (xinif) ayaa gaadiidkaasi si wada jir ah ugu wareejiyay Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka.

Guddoomiye Cabdikariin Xinif oo ka hadlay gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee uu ku wareejiyay masuuliyiinta horumarinta Caafimaadka, waxa uu yidhi “waxan halkan ku wareejinaya laba gaadhi oo ah kuwa caafimaadka, waxa aanu ka helay hay’adda UNHCR, ee qaxoontiga, kuwaasi oo loogu talagalay qaxoontiga Gobolka Maroodi-jeex, siiba degmada Hargeysa, iyo Gobolka Saaxil.”

“Wixii wadanka yimaada waa hanti dalku leeyahay, waxana gaadiidkan awood buuxda u leh wasaaradda caafimaadka oo wadanka oo dhan ayay ka shaqayan karaan, qaxoontigana si gaara ayay ugu shaqaynayaan, kuwa wadankeenu waa barakacayaal ee qaxoontigu waa dadka ka ymid Yaman, Suuriya,Itoobiya ama Soomaaliya” ayuu yidhi Cabdikariin (Xinif).

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay masuuliyiinta Hay’adda qaxoontiga, isaga oo sheegay in masuuliyad dheerada ay iska saari doonaan daryeelida gaadiidkaasi caafimaad.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan baahiyo caafimaad oo badan gaadiidkanina wax wayan ka tari doono, waxaanu yidhi “Labadaasi gaadhi bulshada ayay u shaqaynayaan, balse waxay si gaara ugu suntanyihiin qaxoontiga Somaliland jooga, baahida caafimaadka ee wadanku aad ayay u badantahay, waxaanu ballan qaadaynaa in labadan gaadhi sida ugu wanaagsan loogu shaqeeyo oo aanay cidlana ku baabin, oo aanay dayactir la’aan u xumaanin, dadkoodii markay u baahdaana aan la waayin, waxaan idiin sheegaya in gaadiidkaas wax kasta oo qalab ahi u dhanyahay oo looga baahnaa gurmadka degdega ah, way cusub yihiin oo intii ay Berbera ka soo socdeen uun bay socdeen, waxaanan ku dedaali doona in aanay dayac arag. Waxaan rajaynaya inaanan aniga ama wasiir ku xigeenku ku tamashlaynin, shaqaaluhu ku tamashalaynin, inaanu inta ugu dheer ee gaadiidkaasi shaqayn karo ka shaqaysiino.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply