Wasaaradda Beeraha oo ka Hadashay Xadiga Biyaha Roobka Dalka ka Da’ay

0
277

Hargeysa (Dawan)- Wasaarada horumarinta beeraha Jamhuurriyadda Somaliland, ayaa ka war bixisay xadigga biyaha roobka iyo Ramxaadka ALLE ee dalka oo ka da’ay deegaano ka mid ah labadii bishan oo ku beegnayd maalintii Isniintii dorraad illaa habeenimadii.

War-bixinta wasaaraddda horumarinta beeraha Somaliland ayaa muujinaysa sida deegaamada roobku u kala helay iyo deegaan kasta xaddiga biyo roobaad ee ku da,ay, waxaana sidaa lagu sheegay war lagu baahiyey boga ay Facebook ku leedahay wasaarada horumarinta beeruhu, kaas oo lagu soo bandhigay xadiga roobka ah ee helay deegaano kala duwan oo dalka ka tirsan.

Waar-bixtnta wasaaradda horumarinta beeraha Somalilad ay soo bandhigay ayaa u dhignayd sidan. “Magaalada Boorame waxa ka da’ay roob qiyaastiisa lagu sheegay 25 mm, degmada Dila ayaa lagu qiyaasay roobka ay heshay 25 mm, deegaanka Botor, waxa la seeghay in ay heshay 30 mm, degmada Gebiley 3.5 mm, Baligubadle, 10.5 mm, Sallaxle 14 mm, Hargeysa 49 mm, Malawle 44 mm, Cadaadley 9 mm, Gatiitalay 9 mm, Sheekh 11.2 mm, Dararweyne 6.5 mm.

Deegaanada kale ee roobku helay labadii bishan, balse aan lahayn qiyaasta dhabta ah ee dhibcaha roobka ay heleen waxaa ka mid ah Hulqaboobe Kulliye, oo ka tirsan degmada Laasadacawo, Qaraadh Afdoox oo ka tirsan degmada Boon, Buurdhaab, Kiridh, Wadaamo-goo oo ka tirsan degmada Caynaba, Ceeg, Magaalo Caynaanshe, Warsame oo ka tirsan gobolka Daad Madheedh, Kaam-tuug, Laanqeyrta iyo Ina-guuxaa oo ka tirsan degmada Sallaxley, Allay-baday, Laaye, Diin Qaboobe iyo Reeryo oo ka tirsan degmada Baligubadle, Buuraha Golis ee degmada Ceerigaabo, Buuhoodle iyo Qoyta.”

War-bixita wasaaradda Beeraha Somaliland ay soosaartay ayaa muujinayasa in wasaaraddu ay si toos ah uga war hayso biyaha roobka ee dalku ka helay Raxmaadka ALLE waxaase loo baahan yahay in biyaha roobka lagu baraarugsanaado in laga faa,iidaysto oo la qabto biyaha sida fudud innagu dhaafaya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply