Haween ku Caydhoobay Abaaraha oo Gurista Jayga ku Masruufa Qoysaskooda

0
316

Hargeysa (Dawan)- Qaar ka mid ah haweenkii ku caydhoobay abaarihii kala danbeeyay ee wadanka ka dhacay ayaa gurista iyo xaadhista jayga ku masruufa carruurtooda. Kuwaasi oo jayga ka gura agagaarka buurta Naaso-hablood, isla markaana dib uga iibiya shirkadaha dhismaha.

Hooyo Faadumo Aadan Cigaal oo ay da’deedu tahay 60 sanno jir, kuna nool xaafada Naasa Hablood laba ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay degan yihiin dad gaadhaya 540 qoys oo ka mid ah dadkii ku caydhoobay abaarrihii kala dambeeyay ee dalka ka dhacay.

Hooyadani waxa ay nolosheeda ku maareysaa xaadhista Jayga oo ay ka ururiso buuraha dhanka bari ka xiga magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Waxaanay hawshan qabataa galinka hore ee maalintii, halka galinka dambena waxay haysaa walaasheed oo u jiifta xanuunka faaliga ee dhinac qalalka oo ku dhacay iyada oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Cid kale nooma shaqeyso, aniga oo raashinka u karinaya caruurta ayaan haddana u shaqeeyaa oo u raadiyaa nolol maalmeedka.”

Hooyo Faadumo iyo gabadh kale oo ay xaafadda ku wada nool yihiin ayaa ka wada shaqeeya xaadhista iyo ururinta jaygan, waxaanay afartii maalmoodba ay hawshan ka helaan 20 dollar amase laba boqol oo kun oo shilinka Somaliland, lacagtaas oo laga iibsado halka lowdh ee jayga ah, taas oo ay labadoodu kala qaybsadaan. shaqadan ayaa ah mid baaxadeeda leh lagana shaqeeyo sacado badan.

Haweenka xaafadani ku nool oo la hadlay Radio Ergo ayaa sheegay in iyagu inta badan ay la daala dhacaan nolosha ubadkood, waxaanay xuseen in haweenka badhkood ragoodi ay dhinteen halka qaar kalena ay xanuusanayaan islamarkaana mar walba ay yihiin gargaar sugayaal.

Gurista jaygan ayaa waxa ay u adeegsadaan jawaano iyo shirikaamo afka laga gooyay, waxaanay markay ururiyaan ee ay buuxiyaan inta lowdhka loogu talo galay ay ka iibiyaan gaadiidka u shaqeeya dhismayaasha cusub ee laga bineynayo gudaha iyo daafaha magaalada Hargeysa.

Maxamed Xuseen oo k mid ah darawaliinta gaadiidka u shaqeeya dhismayaasha ayaa sheegay inay hadba ciddii uu diyaar u yahay lowdhka jayga ahi uun ay ka qaadan oo ay ka iibsadaan.

Sidoo kale Hooyo Basra Maxamed Muuse oo iyaduna ka mid ah haweenka ku nool xaafadan Naasa-hablood 2 ee magaalada Hargeysa ayaa maalintii ku dhawaad 12-saac ururisa jayga, iyada oo kala soo baxda quutal daruuriga carruurteeda, waxaanay hawshani bilowday sandadkii 2016, kadib markii saygeedu geeriyooday.

Hooyo Basri waxa ay sheegtay in shaqadani mid adag tahay, laakiin duruuftu ay u geysay “Run ahaantii waa shaqo adag laakiinse duruufta ayaa ii geysay si aanay ubadkeygy u gaajoon” ayay tidhi Hooyo Basra oo buuxinta halka lawdh ee jayga ahi ay qaadato muddo afar maalmooda, qiimaha laga siistaana waa laba boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah, kaas oo ay ku maareyso nolosha qoyskeeda.

Eng. Mustafe Cali, kana mid ah Injineerada guryaha dhisa ayaa sheegay in magaalada Hargeysa dhiskeedu si fiican u socdo, islamarkaana ay haweenku kaalin mihiima kaga jiraan dhismaha guryahaasi.

Haweenkani waxay quus ka muujiyeen noloshii dhanka miyiga, maadaama abaarihii kala danbeeyay ee wadanka soo maray ay xoolihii ka saareen, waxaanay xuseen in imika ubadkooda u heleen, waxbarasho, caafimaad iyo adeegyadii kale ee nolosha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply