Safiirka Itoobiya oo Amaanay Kaalinta Shacabka Somaliland ka Qaatay Biyo-xidheenka ABBAY

0
315

Hargeysa-(Dawan)- Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland Mr. Berhe Tesfay ayaa shaaciyey in dalkiisu ku guulaystay dhinaca dublamaasiyada inuu caalamka fahamsiiyo faa’iidooyinka dhismaha biyo-xidheenka ABBAY, taas oo dalalka Eriteria iyo Masar ka faafinayeen dacayado.

Mr. Berhe oo ka hadlayey munaasibada todoba-guurada dhismaha biyo-xidheenka ABBAY oo ay ka soo qeybgaleen jaaliyada Itoobiyaanka ee ku dhaqan Hargeysa iyo martisharaf kale oo lagu casuumay ayaa sheegay in dhismahii biyo-xidheenku marayo gebagebo waxaanu yidhi, “Dhismahii biyo-xidheenku waxuu marayaa gebogebo oo boqolkiiba 65% ayaa dhamaaday, dhamaystirkiisuna waxuu sugayaa shacabka Itoobiya.”

Safiirka Itoobiya Mr. Berhe ayaa sheegay in dalkiisu ku guulaystay inuu caalamka ka dhaadhiciyo faa’iidada biyo-xidheenka Abbay, isla markaana ku guulaysteen dhinaca dublamaasiyada waxaanu yidhi,“Itoobiya waxay ku guulaystay dhinaca dublamaasiyada inay caalamka fahamsiiso faa’iidada biyo xidheenka Abbay, taas oo wadamadda Eriteria iyo Masar dacaayado ka fidinayeen. Waxa la lahaa Itoobiya ma dhisi karto, umana helayso dhaqaale ay ku dhisaan biyo-xidheenka, laakiin waxay muujisay awoodooda.”

“Caalamka waxa la lahaa Itoobiya ma hayso dhaqaale ay ku dhisaan biyo-xidheenka, laakiin shacabku waxay ku guulaysteen inay dhaqaalahooda ku bixiyaan,” ayuu yidhi safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland.

Mr. Berhe Tesfay, waxaanu tilmaamay in xukuumada Itoobiya qirtay in khaladaad ay sameeyeen masuuliyiin ay sababtay rabshadaha, laakiin wadammo cadow ah ay ka faa’iidaysteen, waxaanu yidhi, “Rabshadaha dhacay khaladaad madaxda qaarkood sameeyeen ayaa sababay, laakiin, in dadka banaanbaxyada waday soo raacaan wadammo cadow ah marna la aqbali mayo.”

Safiirka Itoobiya ee Somaliland Md. Tesfay ayaa qiray in jaaliyada Itoobiya ee degan dalka iyo shacabka Somaliland kaalin weyn ka qaateen dhismaha biyo-xidheenka, si weyna u iibsadeen bonds (warqad bangi), waxaanu yidhi “Jaaliyada Itoobiya iyo shacabka Somaliland ilaa wakhtigan waxay iibsadeen saami ka badan afar boqol oo kun oo dollar, waanan ku amaanayaa kaalinta ay ka qaateen.”

Xubno ka mid ah jaaliyada Itoobiya ee degan Somaliland oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay ka qeybqaadashada dhismaha biyo-xidheenka iyo in la iibsado bonds (saamiga), waxaanay dadkii ka soo qeybgalay si weyn u iibsadeen bonds.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply