Somaliland: Iftiin ka Soo Dhex Baxay Geeksa Afrika. Warbixin Caalamiya

0
252

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si qoto dheer oo faah faahsan uga hadlay himilooyinka hoggaamineed ee uu qaranka Somaliland ku hagayo iyo higsiga horumar taabbo gal ah oo Somaliland ay ku tallaabsato.

Madaxweynaynaha qaranka Somaliland, waxa kale oo uu iftiimiyay heshiisyada dawladdu la gashay dalka Imaaraadka Carabta iyo sababta Somaliland ula safatay dalalka Khaliijka ee uu Sucuudigu hoggaamiyo, waxaanu intaa raaciyay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay ka faa’iidaysato goobta istaraatiijiga ah ee ay mandaqada kaga taallo iyo jaanisyada ay haysato.

Warbixin aad u dheer oo lagu baahiyay Wargeyska Arab News oo ka soo baxa dalka Sacuudiga, warbixintaasi oo xiganaysa waraysiyo madaxweynaha Somaliland ay la yesheen wakaaladaha wararka iyo warbaahinta kale caalamku, waraysiyadaasi oo uu kaga hadlay sababta ay Somaliland u diiday in dalka Turkigu maal-gashi ku sameeyo Madaarka Hargeysa, taas oo uu ku sababeeyay in dawladda Turkigu ay si gaar ah ula safantahay Soomaaliya marka laga hadlayo qaddiyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Cabdi, waxa kale oo uu tilmaamay in waxkasta oo ay dibedda kala soo degto Somaliland ay u soo maraan dalka Imaaraadka Carabta isla markaana uu yahay Imaaraadka Carabtu halka iski xidha Somaliland iyo dunida inteeda kale.

Warbixin laga diyaariyey waraysiyo wakaalada wararka caalamka ee (AFP) iyo warbaahinta kale ee dunidu ay la yeelatay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi oo lagu daabacay wargeyska ArabNews shalay ayaa lagu bilaabay sidan:- “Marinka biyaha Geeska Afrika waxay muhiim u tahay wadamadda Gacanka Carabta, oo u adeegsada dariiq ay ku dhoofiyaan shidaalka Bariga Dhexe laga soo saaro.” Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ayaa sheegay in dalkiisu ka faa’iidaysan doono goobta uu ku yaalo.

“Wakhtigan waa inaannu iskaashanaa wadamadda aannu xulafada nahay, oo aanu iska caabbinaa kuwa naloo adeegsanayo, markaa waa inaan ka faa’iidaysannaa goobta aannu ku noolnahay,” ayuu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u sheegay wargeyska Arab News.

Hadalkiisa ayaa imanaya xilli xulafada Sacuudigu hogaaminayo ka hortageen weerar markab Sacuudiga laga leeyahay oo shidaal siday ay weerar ku soo qaadeen falaagada Xuutiyiinta Salaasadii.

Barriga Dhexe: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay u xulafaysanayso Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta sababo badan, waxaanu yidhi, “Bilowga, waxaannu nahay jiiraan Sacuudiga, balse ma nihin Qatar, ta labaad, waxa aan dibedda u dirno waxay tagaan Sacuudiga, waxa ku yaalla labada Masaajid ee barakaysan oo aannu booqanno, markaa dhammaan sababahaa ayaa nagu khasbaya inaan is-xulafaysano Sacuudiga.”

Imaaraadka Carabta ayuu sheegay Madaxweyne Biixi inay dano dhaqaale wadaagaan, waxaanu yidhi “Dhammaan waxaan dibedda kala nimaadno waxay ku xidhan yihiin Imaaraadka iyo dekedahooda. Dhamaan duulimaadyadayadu waxay ka yimaadaan madaaradda Imaaraadka, waa buundada nagu xidha adduunka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay, “Xiisaha caalamka ee dalkaygu wuu soo kordhayey saddexdii sannadood ee u dambeeyey.”

Horraantii sannadkan, khilaaf ayaa ka dhashay markii dawladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya ay sheegtay in ay Imaaraadka Carabta ka mamnuucday inay ka shaqayso Soomaaliya, ka dib markii shirkada DP World ku adkaysatay inay fulinayso heshiiskeeda casriyeynta dekeda Berbera.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in Turkigu doonayey sannadki 2015-tii inay maalgeliyaan madaarka Hargeysa ee Cigaal Intarnational Airport, balse la diiday. “Taa waa la diiday, sababtoo ah Turkigu wuxuu ku xidhan yahay Soomaaliya, isla markaana wuxuu taageeraa khilaafka Soomaaliya ee Somaliland,” ayuu sheegay Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Md. Muuse Biixi ayaa sheegay in la wadaagida dano dhaqaale uu khilaafkoodu ka horreeyay, isla markaana dawladda Qatar ay Soomaaliya la lahayd iskaashi la mid ah kuwa Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Sannadkii 2017-kii xukuumada Somaliland ayaa ansixisay heshiis ay la gashay shirkada DP World, iyo saldhig Millateri oo Imaaraadku ku yeelanayo Berbera.

Madaxweyne Mudane Biixi ayaa sheegay inay saldhigga ugu baahan yihiin ilaalinta ballaadhinta dekedooda. “Xukuumadayadu dhaqaale ballaadhan ma laha, waxaan u baahannahay ilaalinta xuduudahayaga,” ayuu sheegay. Isaga oo intaas raaciyey “Waxaan qabaa inaan u baahannahay dal aan saaxiib nahay oo iskaashi aan kala yeelano ilaalinta ammaanka ee ciidamadayada.”

Dekeda Berbera ayaa la casriyeynayey sannadkii 2017, waxaanay bilowday dejinta badeecadaha koonteenarada gaadhaya 150 kun.

Siduu sheegay Cali Islaaciil Maxamuud, madaxa hawgelinta DP World, dhismaha goob konteenarada dhererkoodu yahay 800 mitir ayaa dhamaanaya sannadka 2020, taas oo saamixi doonta in dekedu la tartanto kuwa gobolka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply