Wasiirka Biyaha oo Go’aan Adag ka soo Saaray Booyadaha Biyaha

0
274

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa wadayaasha booyadaha biyaha dhaamiya uga digay inay bulshada u keenaan biyo wasakheysan oo aan laga soo dhaamin goob nadiif ah.

Dhanka kale wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxaa uu masuuliyiinta gobolka Marroodijeex ugu baaqay inay baraha kaantaroolada dhigaan cid baadhitaan ku sameysa biyaha ay wadaan darawaliinta booyadaha ee ay magaalada soo galinayaan, si looga hortago haddii ay biyo khaldan wadaan, waxaanu sidan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlaya xafiiskiisa.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Roobab badan ayaa dalka ka da’ay biyo badanna dooxyada ayay marayaan, siyaasiyana waxaa siweyn looga hadlay in biyaha qulqulaya ee ina dhaafaya la qabto, oo wadanka faa’iido badani ugu jirto, maaha kaliya dawladu inay qabato in laga sugo, shacabka iyo dadka hantida lihi biyaha way qaban karaan bulshadana waa ay uga faa’ideyn karaan.”

Wasiiir Saleebaan waxa uu darawaliinta booyadaha biyaha dhaamiya uga digay inaanay biyo wasakheysan bulshada u keenin waxaanu yidhi “Waxaa jira booyado biyaha ka soo dhaamiya meelo aan ku habbooneyn xili roobaadyada bulshadana ku keeni kara dhib caafimaad, oo dhab ahaantii saameyn caafimaad ku yeelan karta dadka ku nool magaalooyinka kale ee Jamhuuriyadda Somaliland, sidaasi darteed darawalinta gaadiidka booyadaha waxaan leeyahay, waar biyo aan nadiif ahayn bulshada haw soo dhaaminina oo Illaahey ka baqa, oo bulshadiina u tudha, biyaha meesha wasakhda leh aad ka keenaysaan haw soo dhaaminina umada”

“Xukuumada iyo taliyayaasha ciidamada, maayirada iyo dhammaan isu duwayaasha biyaha waxaan ka codsanayaa inay ka qaadan talaabo ku haboon cid alla cidii ay ku arkaan iyada oo biyaha wasakheysan bulshada u soo dhaaminaya, masuuliyiinta gobolka Marroodijeex waxaan ugu baaqaya in kaantaroolada la dhigo cid fayadhawra, baadhana in biyahaasi yihiin kuwii saxda ahaa iyo biyo khaldan. cidii keenta biyaha khaldana talaabo ha laga qaado” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply