Dhallinyaro Afduub Loogu Haystay Puntland oo la soo Daayay

0
312

Garoowe (Dawan)- Dhalinyaro reer Somaliland ah oo muddooyinkii ugu dambeeyay afduub loogu haystay degaanka degmada Dangoroyo ee gobolka Garoowe, ayaa shalay xorriyadoodii dib loogu soo celiyay, ka dib dadaalo ay wadajir u sameyeen odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo sarakiisha booliska Puntland.

Cabdulqaadir Guuleed Axmed iyo Xamse Maxamed Axmed oo ka soo jeeda gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, ayaa 31 bishii March, 2018-ka, laga afduumay magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, oo ay u joogeen qaadashada dal ku galka (Passport).

Afduubka dhallintan ayaa la sheegay inuu la xidhiidhay xadhiga Siciid Maxamed Faarax oo magaalada Burco muddo laba bilood ah ku xidhan. Tan iyo intii dhallinyarada laga kaxaystay Garoowe waxa dadaalo xoogan soo celinta xoriyadooda u galay duubabka dhaqanka, madaxda bulshada rayidka ah iyo saraakiisha amaanka, waxana lagu guuleystay in labada dhallinyaro laga soo daayo dadkii afduubtay.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo hoygiisa Garoowe kula hadlay saxaafadda, ayaa ka warbixiyay dhallinyaradan xorriyadooda loo soo celiyay waxaana uu yidhi “Marka hore raali gelin ayaan idin ka siinayaa wixii dhacay ,waxaan ka xunnahay sida wax u dhaceen, Ilaahay baa mahad leh oo inoo fududeeyey dhacdadaan oo aan ahayn wax ku wanaagsan dhaqanka, bini-adamnimada iyo islaamnimada.”

Guddoomiyaha bulshada rayidka ah ee Puntland Punsaa Faysal Axmed Warsame ayaa isna sheegay in ay dadaal dheer kadib ku soo guulaysteen in si nabadgelyo ah loo soo furto dhallinyarada, waxaanu bulshada ku booriyey in la iska kaashado arrimaha noocaani oo kale ah .

Cabdiqaadir Guuleed Axmed oo kamid ah dhallinyarada la afduubtay ayaa ka mahadceliyey dadaalkii laga galay sii dayntooda, waxaana uu sheegay in ay ku faraxsanyihiin in uu dib u helo xoriyadiisa isaga iyo saaxiibkii ka dib 10 cisho oo afduub ah, waxa kale oo uu xusay in aanay jirin wax tacadi ama dhib ah oo uu kala kulmay afduubayasha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply