Madaxweynaha oo ka Qaybgalay Aaska Marxuum Xildhibaan Ibraahim Kacaan

0
278

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay aas qaran oo shalay loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo katirsanaa golaha wakiillada Somaliland, isla markaana dorraad ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Aaska qaran ee shalay loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan), ayey ka qayb-galeen kumanaan ka tirsan shacabka iyo madaxda goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo la xidhiidha taariikhdii marxuumka, waxtarkiisii iyo doorkii uu ku lahaa dib-u-dhiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxaana uu geeridiisa ka tacsiyadeeyey ehelka, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday aqoonta durugsan ee uu u lahaa marxuum Ibraahim Axmed Haybe, waxaana uu ka marag-kacay dedaalkiisii iyo hal-adaygii uu caanka ku ahaa, waxaana uu yidhi, “Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe waxa uu ahaa rag dhawr iyo soddon ahaa oo mar kasoo wada baxay Cammuud, Ilaa waqtigaana qaranka uun buu u shaqaynayey, da’da iyo taladana waanu isku soo gaadhnay oo nin oday ah buu ahaa, qof walbana wax baa lagu xasuustaaye, Ibraahim Hal-adayg baa lagu xasuusanayaa, halkuu istaagona sida looga riixaa way adkayd, waxaana uu kamid ahaa dadka dhifta ah ee meeshooda ku adkaysta.”

Shir-guddoonka golaha wakiillada, xildhibaanno, wasiirro, salaadiin, cuqaal, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo aaska ka qayb-galay, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabada uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply