Madaxweynaha oo Maalin Gaar ah u Asteeyay Daryeelka iyo Ilaalinta Dhirta

0
451

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu soo saaray waxa ku asteeyay maalinta dhirta Somaliland oo loo qoondeeyay in ay noqoto 15-ka bisha April sannad kasta, si loo dhawro kaymahaiyo duur-joogta Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu amray in maamulka gobolada iyo degmooyinka dalku ay wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer-miyiga si buuxda ugala shaqeeyaan dhir-beerista, daryeelka dhirta iyo daaqa. Sidoo kale Madaxweynaha Somalialdn waxa uu ugu baaqay qof kasta oo muwaadin ah in uu xil-weyn iska saaro xannaanaynta iyo beerista dhirta.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Wareegto Madaxweyne; Maalinta Dhirta Somaliland.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, 34aad, Faqradda 4aad iyo 18aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 7aad iyo 9aad ee Xeerka Ilaalinta Kaymaha     iyo Duur-joogta Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Dersay:         Muhiimadda ay Dhirtu u leedahay ka hor-tagga Nabaad-guurka, Bad-qabka iyo Bilicda Deegaanka Dalka;

Markaan Arkay: In Dabar-goyn iyo xaalufin ba’an lagu hayo dhirta, isla markaana ay lagama-maarmaan tahay in muwaadin kastaa uu xil iska saaro daryeelka iyo beerista dhirta;

Waxaan Go’aamiyey;

In maalinta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

In Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyigu ay hirgeliso xuska maalintan sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha ku shaqada leh Arrimaha Deegaanka.

In Maamulka Gobollada iyo Degmooyinku ay Wasaaradda si buuxda ugala shaqeeyaan Dhir-beerista, Daryeelka Dhirta iyo Daaqa.

In muwaadin kasta oo Somaliland ahi xil-weyn iska saaro xannaanaynta iyo beerista dhirta.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Leave a Reply