“Xukuumaddani Waxay isu Diyaarisay in loo Gudbo Dawlad Sharci iyo Nidaam Leh”

0
276

Hargaysa (Dawan)- Wasiirku wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudae Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guru-barwaaqo) ayaa sheegay in hirgelinta ballan qaadyadii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ee ay ka mid ahaayeen saraynta sharciga iyo dhismaha dawlad adag oo sharcigu sareeyo ay wasaaradda warfaafintu hormood ka noqonayso.

Mudae Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa tilmaamay in laga soo gudbay muddo dhawr iyo labaatan sanadood ah oo dawladnimadu ku socotay qaab xal ah, balse aan xul ahayn, haseyeeshe xukuumadda cusub ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay isu diyaarisay in nidaamkaasi laga gudbo.

Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Biixi uu hiigsigeedu yahay horumar iyo horu-socod, isaga oo farriin u diray dadka siyaabo kale u arka isbedeladda iman doona, kuwaas oo uu ugu baaqay in ay muujiyaan dul qaad iyo adkaysi.

Wasiirka warfaafintu waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad uu xilalka ugu kala wareejinayay agaasimihii guud ee hore ee wasaaradaasi Xasan Cumar Hoorri iyo agaasimaha cusub ee wasaaradaasi Cali Maxamed Cali.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sharcigu waa sharci. Waxaynu ka soo gudubnay dhawr iyo labaatan sanadood oo xal ah, balse aan xul ahayn. Hadda dawladda cusub ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi, waxay isu diyaarisay in loo gudbo in aynu noqo dawlad, dawladaha aduunka ka mid ah oo sharci leh, oo nidaam leh, oo kala danbayn leh, oo isku tashi leh”.

“Sidaas darteed, way jirtaa is-bedeladu markay yimaadaan in ay dad badani u qaadan waayaan, haseyeeshee waa in lagu daraa dul qaad iyo adkaysi, geediguna wuu soconayaa. Sidaa awgeed, waynu hiigsanaynaa, geedigu wuu dhaqaaqay, gaadhiga yaan laga dhicin, hala xejisto, horumar iyo horu-socod iyo in aynu hir-doog leh reerka dejino ayuu horseedkeenu yahay. Wasaaradii ay hawshaasi ka bilaabanaysayna waatan warfaafinta” ayuu yidhi wasiir Guri-barwaaqo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply