Wasaaradda Beeraha oo Gobolka Sool Beero uga Qodaysa 110 Qoys

0
272

Laascanood (Dawan)-Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa 110 qoys oo danyar ah beero uga qodaysa gobolka Sool,waxaanay wasaaraddu qarashkii loogu qodayay beeraha boqol iyo tobanka qoys ay ku wareejisay madaxda heer gobol iyo degmo iyo Isuduwe ee gobolka Sool iyadoo lagu wareejiyay kala badh lacagta ky baxaysa.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo socdaal shaqoku jooga qobolka Sool,ayaa intaa ku daray in looqodayo qoys kasta sadex saacadood isla markaana ay doonayaan in ay dadku roobka ka faa’iidaystaan.

Waxaanu intaa raaciyay in ay kula xisaabtami doonaan dadka gacanta ku haya hawsha beero qodista.

“ Socodkaygu waxa uu ahaa mid aanu ugu kuurgelayno xaaladda ay ku sugan yihiin dadka beeralayda ah oo laba qaybood ah , beeraha beer biyoodka ah ee soo saara qudaarta iyo beeraha beer roobaadka ah oo wakhtigoodi taagan yahay “ ayuu yidhi Wasiirku

Mar uu ka hadlayay qadarka saacadaha qodaalka ah ee ay lacagtiisa bixiyeen iyo siday ula soconayaan waxaa uu yidhi. “ Waxa aanu u nimi in aanu guddoonsiino guddoomiyaha gobolka iyo isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka saacado kooban oo aanu ugu talo galnay in loo qodo dadka danyarta ah ee ay xooluhu ka baxeen oo ah saacadihii sannadkii hore baaqday oo aanu kasoo qaadnay guddiga kasoo kabashada abaaraha , qaab qodaaleedka saacadaha ayaa ah in aanu imika bixino boqolkiiba konton marka ay intaa dhammeeyaan boqolkiiba kontanka kale ayaa loosoo daynayaa oo ay aad u ilaalin doonan guddoomiyaha gobolka , Maayerka iyo isu duwaha Wasaaradda beeraha oo aanu marka ugu dambaysa kula Xisaabtamayno.

Halkan waxa aanu ugu talo galnay boqol iyo toban qoys oo midkiiba saddex sacadood loo qodi doono taas oo noqonaysaa in qodaal loo sameeyo saddex boqol iyo soddon sacadood , waxa aanu rejaynaynaa in ay dadku ka faa’idaystaan xilli roobaadka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply