Wasaaradda Isgaadhsiinta oo ka Hadashay Dhaqan-gelinta Go’aamo ay Hore u soo Saartay

0
279

Hargaysa (Dawan): Waxaa shalay ku ekayd mudadii sodonka maalmood ahayd ee wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland u qabatay shirkadaha isgaadhiinta in ay kaga guuraan furaha internet-ka ee loo yaqaano Top Level Domain-ka So, ee dalka Soomaaliya

Wareegto uu wasiirka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland soo saaray 11-kii bishii hore ayaa amar lagu siiyay dhamaanba shirkadaha isgaadhsiinta ee bixiya adeega internet-ka ee Dhot So, shebekadaha wararka, jaamacadaha, baananka iyo dhamaanba xarumaha ganacsiga in ay ka wareegaan furahaasi.

Tallaabadaasi ayaa lagu tilmaamay mid looga dan leeyahay maadaama oo ay dawladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya la wareegtay furaha lagu istcimaalo isgaadhsiinta iyo internet-ka ee Top Level Domain-ka So, sidaas darteed-na ay Somaliland u wareegayso furayaasha kale oo madaxa banaan.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda jamhuuriyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, oo shalay la hadlay warbaahinta qaranka ayaa mar kale ugu baaqay shirkadaha isgaadhsiinta, shebekadaha wararka iyo cid kastoo weli isticmaalaysa furaha Soomaaliya in ay si deg deg ah uga guuraan.

Waxaanu carabka ku dhuftay qaar ka mid ah shebekadaha wararka, shirkadaha isgaadhsiinta, jaamcadaha iyo meelo kale-ba ay ku soo wargeliyeen in ay ka guureen furahaasi, kuwa aan weli ka guurina ay filayaan in saacadaha soo socda ay ka wareegaan.

Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi, oo ka hadlayay tallaabadda ay ka qaadayaan shebekadaha wararka haddii ay go’aankoodda u hoogaansami waayaan, waxa uu yidhi “Waxaa xigga in aan la ogolaan doonin in shebekadahaasi wararku (Website-yadda) ay Somaliland ka dhex shaqeeyaan. Farsamo ahaana waanu kala shaqaynaynaa shirkadaha isgaadhsiinta ee wadanka jooga. Markaa waan ka joojin doonaa, kamana shaqaynayo shebekadaha wararka oo SO ah in uu Somaliland soo gallo.”

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray “Wasaarad ahaan go’aankii aanu soo saarnay wuxuu ahaa, maadaama oo Top Level Domain-kii Dhot SO ay la wareegtay dawladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya in dadka reer Somaliland, shirkadaha iyo jaamacadaha, baananka iyo cidii kale ee isticmaalaysay furaha adeega internet-ka ee Dhot SO in ay muddo 30 maalmood ah kaga guuraan.

Waxaanay ka bilaabmaysay bishii 3aad 12-keedii, si guud maanta (shalay) ayaa u danbaysa. Warbaahinta waanu u marinay, toosna waanu ula xidhiidhnay oo waanu u sheegnay, caawa (xalay) ayaana u danbaysa.

Qaybo ka mid ahi way noo soo sheegeen in ay ka guureen, kuwa kale-na waxaanu ku rejo weynahay in saacadaha ka hadhay ee ilaa caawa (xalay) in ay kaga guuri doonaan”.

“Inagu (Somaliland) ma nihin wadan la aqoonsan yahay, laakiin ilaa inta aynu helayno furre inoo gaara. Waxaa qaranimadeena ka soo hor jeedda in aynu isticmaalno furaha Dhot So, oo marka shirkad, baan ama jaamacadda isticmaalaysa furaha Soomaaliya ee loo yaqaano Dhot So, macnaheedu waxa weeye Soomaaliya ayay ku taallaa, ama dawladda Soomaaliya ayaa maamusha.

Taasi ayaynu inagu markaa ka hortagnay. Keligee-na maahee, wadamadda kale inala midka ahi way qaateen siyaasadaasi, waxaana la yidhaahdaa Web Contain Regulation. Dawladuhu waxay xaq u leeyihiin waxay u arkaan qaranimadooda iyo madaxbanaanidoodda in uu ka soo hor jeedo in ay ka qaadaan tallaabo, waana xeer ay leeyihiin” ayuu yidhi wasiir Suufi.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Intii ka guurtay furaha Soomaaliya ee Dhot So, waan uga mahad naqaynaa, inta kale-na saacadaha soo socda in ay kaga guuraan ayaanu ku rejo weynahay.

Dunida guud ahaan saddex nooc ayuun baa loo maamulaa isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda casriga ah loo maamulaa. In dawladda ay wada yeelato, in dawladda iyo shirkaduhu ay wada yeeshaan iyo in sideena suq xor ah la sameeyo, oo dawladda doorkeedu ay noqoto uun in ay maamusho, oo ay siyaasadda dejiso, oo ay kor joogtayso, oo ay ilaaliso suuqa iyo tartanka socda.

Mar walbana dawladda iyo qolooyinka ganacsadu way wada shaqeeyaan, ilaa hadda inta aan ka aragnay ma xuma wada shaqaynta aanu shirkadaha la leenahay”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply