Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay Ifafaalaha Aqoonsiga Somaliland iyo Xidhiidhka Caalamka

0
326

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si weyn u faah faahiyay halka ay caalamku ka taagan yihiin qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo sida ay dawladaha dunidu ugu kala aragti duwan yihiin cidda ugu horraynaysa ku dhawaaqista aqoonsi buuxa oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Waxa kale oo uu kaga hadlay socdaalkii ugu dambeeyay ee weftiga Baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan oo xildhibaano ahi ay Somaliland ku yimaadeen iyo waxyaabihii lagaga wada hadlay. Sidoo kale wasiirku waxa uu ka hadlay shaqaao ka dhacday deegaanka Fadhi-gaab oo uu sheegay in ay dawladdu gacanta ay ku hayso.

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu arrimahaa kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargayska Dawan, ugu horrayn wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay socdaalka weftiga baarlamaanka Ingiriiska ka socday oo dhawaan dalka yimi iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen, ayaa yidhi “mudaneyaasha baarlamaanka Ingiriisku muddo badan ayay Somaliland socdaalo ku imanayeen, laakiin doorkan way ka duwanayd oo waxay ahayd markii xildhibaano tirada intaa leegi ay booqasho ku yimaadaan Somaliland, waxa kale oo ay kaga duwanayd safardii hore waxaa doorkan ku jiray xildhibaano codweyn oo muddakar ah ka hela dadka degen magaalada Kaardif oo ay ku dhaqan yihiin dad badan oo asal ahaan reer Somalilad ah oo uu codkooda ku soo baxay, markaa markii ay yimaadeen weftigan ingiriiku waxay socdaalo ku tageen deegaano badan oo dalka ka midah, waxaanay indhooda ku arkeen xaqiiqada taalla Somaliland, waxaanan xog buuxa ka siinnay qarannimada Somaliland iyo siday dadkeedu u dhisteen ee ay u qabsadeen lix doorasho oo dimuquraadi ah oo ay sadex kamid ahi yihiin doorasho Madaxtooyo, waxaanay noqdeen iyaga oo ku qanacsan halka ay Somaliland marayso in ay tahay mid ay u dhammaystiran tahay dawladnimadu oo booliskeedii, garsoorkeedii, sharci dejinteedii iyo fulinteeduba ay shaqaynayaan.”

“Waxa kale oo jirta in goob joogayaashii doorashadii Madaxtooyada Somaliland ka soo qayb galay warbixin ayay ka soo saareen doorashadii inoo qabsoontay dabayaaqadii sanadkii hore waxaanay caddeeyeen in Somaliland laba dal mooyaane ay Afrika inteeda kale oo dhan ay kaga wanaagsan tahay hannaanka dimuquraadiyadda oo ay tahay dalka sadexaad ee dimuquraadi ah ee Afrika oo dhan ka jira,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo jirta in dawladaha caalamku ku kala duwan yihiin siyaasiyiintooda iyo aqoonyahankoodu iyo waxgaradkoodu aqoonsiga Somaliland, hadday Maraykan tahay, hadday Ingriis tahay iyo hadday Midawga Yurub tahayba, waxaanay u kala qayb sameen qayb leh Somaliland way buuxisay dhammaan shuruudihii dawlad dimuquraadi ah laga rabay ee aynu aqoonsano iyo qayb kale oo ku doodaysa mayee aqoonsiga Somaliland iyo qaddiyadoodu ha ka soo baxdo Midawga Afrika oo dalalka Afrika ha innagaga horreeyaan, laakiin caalamku wuu qirsan yahay qarannimadeena, taasina waa wax cad oo jira oon la dafiri karin.”

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Waxa kale oo jirtay dhawaan Soomaaliya waa tii dacwada gudbisay laakiin markii xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ay u gudbisay waxa lagu yidhi dacwaddiinu waxay idinka dhaxaysa idinka (Soomaaliya) iyo Imaaraadka Carabta, laakiin Somaliland cidday doonto ayay heshiis la geli kartaa.”

Wasiirka oo la waydiiyay shaqaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay oo dhawaan ka dhacday deegaanka Fadhi Gaab iyo siday uga hawl gashay dawladdu, ayaa yidhi. “horta shaqaaqadii Ceel-afweyn ka dhacday ee aan nabadaynteeda u tegay kana soo wada shaqaynay madaxdhaqameedka, guurtida iyo xukuumaddu waxba kamay soo noqon laakiin waxay wax ka dhaceen deegaan kale oo ahaa deegaankii ugu nabdoonaa ee aanay waxba ka dhici jirin, laakiin nasiib darro magaalada Fadhi-gaab oo u dhaxaysa Ceel-afweyn iyo Gar-adag ayay shaqaaqo ka dhacday, shaqaaqadasina maaha mid xidhiidh la leh tii hore ee Ceel-afweyn ee aanu nabadaynteeda ka soo shaqaynay, waana halkeedii oo wax dambe oo ka dhacay ma jirto, tan dambe ee Fadhi-gaabna imika gacanta ayaanu ku haynaa, waanay deggen tahay xaaladdu, odayaashiina halkan ayaan kula ballansanahay.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dhallinyarada Somaliland gaar ahaan kuwa habeenkii falmdabiyeedyada budhcadnimada ah ku kaca, waxa uga qorshaysan, ayaa yidhi “horta dhaliinyarada waxaan leeyaay dee waa tii horena looga hadlay imikana waxaa noo qorshaysan in arrinta dhallinyara dhaqamo badan ayaa inagu soo kordhay ee waa in laga wada shaqeeyo oo waalid, dawlad iyo shicib ba laga wada shaqeeyo, ciidanka booliskuna wuxuu heegan ugu jiraa in ay ka hor tagaan wax kasta oo dhallinayaradu in ay isku dhacaan keeni kara.”

Ugu dambayn waxaa uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland farriin u diray guud ahaan bulshada reer Somaliland, waxaanu yidhi “mar walba waxa la innaga maqlaa innaga oo leh Soomaaliya aan wada hadalno, laakiin waxay inna moodaan in aynu baqanayno, laakiin baqasho innagama aha ee waxay innaga tahay nabad gelyada ayaynu garanaynaa waxay tahay, waxaynu garanaynaa in wada hadalku ka wanaagsan yahay in aan waxba lagu heshiin, umadda reer Somaliland na waxaan leeyahay waxaynu u baahanahay in aynu laba qodob oo muhiim u ah jiritaankeena in aynu ka wada shaqayno, kuwaas oo kala ah in aynu nabad gelyadeena kawada shaqayno oo aynu meel uga soo wada jeedno iyo in aynu Somaliland-nimada meel uga soo wada jeedno oo aynu wada ilaashano, waxa aynu wada leenahay, marka aynu labadaa qodob ka wada shaqayno ayaynu horumarka iyo waxqabsigana wada suura gelin karnaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply