Buuhoodle oo si Weyn Looga Xusay Maalinta Dhireynta Somaliland

0
372

Buuhoodle (Dawan)- Gudoomiyaha degmada Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed ayaa soo dhaweeyay maalinta dhiraynta Somaliland oo madaxweynuhu u asteeyay 15-ka bisha afraad, isla markaana shalay si weyn looga xusay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Gudoomiyaha oo khadka telefoonka ugu waramay wargayska DAWAN isaga oo ku sugan magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in masuuliyiinta iyo dadweynaha reer Buuhoodle ay aad u soo dhaweeyeen xuska maalinta dhiraynta Somaliland, waxaanu ku tilmaamay tallaabadii ugu weynayd ee uu qaado madaxweyne Somaliland ah.

“Waxa subaxnimadii shalay isu soo bax ballaadhani ka qabsoomay xarunta gobolkak Buuhoodle, kaas oo ay isugu yimaadeen dhamaan ururada bulshada qaybahooda kala duwan, dhamaan shaqaalaha laamaha dawlada ee degmada ka hawlgala, sida maamulka, saraakiisha ciidamada iyo isu duwayaasha wasaaradaha, waxaanay munaasabadaasi ahayd mid ay bulshada gobolkaasi ku qiimeeyeen talaabadii ugu qiimaha badnayd ee uu qaaday madaxweyne Muuse Biixi Caabdi, taas oo uu kaga duwanaa afartii madaxweyne ee talada dalka uga horreeyey maalintan gaarka u ah astaynta dhireynta,” ayuu yidhi Cismaan Yuusuf Maxamed.

Dhinaca kalle Gudoomiyaha degmada Buuhoodle waxa uu sheegay in guud ahaan xaaladda gobolka Buuhoodle ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana nabadgelyada gobolku ay tahay mid xasiloon, waxaanu xusay raxmaadka iyo roobabku ay ka curteen guud ahaan gobolka, balse aanu aad u badnayn.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply