Khilaafka ka Dhex-qarxay Xisbiga Waddani oo Cirka Isku Shareeray

0
256

Hargeysa (Dawan)- Xogyaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde ayaa ku gacan saydhay xil ka qaadis ay Sabtidii dorraad ku sameeyeen guddiga fulinta ee Xisbiga Waddani.

Maxamed Cabdillaahi Uurcade oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in lagu doortay shirweyne Xisbi islamarkaana xilka lagaga qaadi karo oo kaliya shirweyne kale, waxaanu diiday inuu u hoggaansamo go’aanka ay guddiga fulinta ee xisbigu xilka kaga qaadeen.

“Arrinta uu dhoob-dhoobay ee uu sameeyey guddoomiyuhu waa qayrul sharci, umana hoggaansamayo, mana ogoli, Guddiga fulintu xaq uma laha in ay xilka iga qaadaan, sababta oo ah aniga shirweyne ayaa la igu doortay, Cirro imuu magacaabin, goole dhexe ima magacaabin, shirweynihii laygu doortay ee xilka laygu saaray uun baa laygaga qaadi karaa” ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.

Xoghayaha Xil ka qaadistiisa ka soo horjeestay Maxamed Cabdillaahi Uurcade ayaa guddoomiyaha Xisbiga Waddani ku eedeyey in aanu aaminsanayn qadiyada iyo jiritaanka Somaliland, waxaana uu yidhi “Cirro waxa aan u sheegay in badan ayeynu soo wada noolayn, dad walaalo ah baynu ahayn, wax aan jirin umadda in aad u sheegto ka xishood , Somaliland nin Illaahay abuuray oo aanu burburkeeda ka yeelaynaa ma jirto, waxa aynu isku hayno taas ayaa bilow u ah, anigu Somaliland kursi aan siisanayaa ma jiro, rag baad xaboolahooda ku dul ciyaaraysaa oo aad guddoomiye iyo murrashax ku tahay, waxa aan ku leeyahay u soo noqo xaqiiqada oo waddanka difaac, reer Somaliland xaqiiqo ahna noqo”

Hadalka Maxamed Cabdillaahi Uurcade ayaa ku soo beegmaaya ka dib markii maalinimadii Sabtida ay xilka ka qaadeen guddiga fulinta ee Xisbiga Waddani oo ku eedeyey in uu dagaal ku soo qaaday xisbiga, waxaanay sheegeen inay ka qaadeen xilkii iyo xubinimadii xisbiga labadaba .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply