Muwaadin Nooc Qashinka Ka Mid ah ka Sameeyay Agab lagu Waraabiyo Beeraha

0
307

Hargeysa (Dawan):- Muwaadin u dhashay Somaliland oo dhallinayaro ah ayaa nooc ka mid ah qashinka aynu daadino isla markaana dalka dhibaato deegaan iyo mid bilc xumoba ku haya waxaa uu u bedelay isla karkaana u farsameeyay qalab lagu waraabin karo beeraha.

Deeq Ismaaciil Warsame waxaanu hindisay oo beebabka loo adeegsado waraabka beeraha oo uu ka sameeyay caagadaha biyaha laga cabbo yo kuwa kale ee sharaabka .

Waxaanu sheegay in qalabkan uu hindisay ay wax weyn ka tari doonaan abaaraha soo noq noqda isla markaana uu diyaar u yahay in uu xukuumadda kala shaqeeyo qaabkii wax looga qaban ahaa ka hor tagga abaaraha soo nodnoqda .

Deeq waxaa uu wax ka bartay dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Burco, aqoontii iyo farsamadii uu ka faa’iideyna waxaa uu dib ugu soo celiyay bulshadiisa, waxaanu sidan ka sheegay wareysi gaar ah oo uu xarunta Wargeyska Dawan ku siiyay.

Deeq Ismaaciil Warsame ugu horreyn waxaa uu faahfaahin ka bixiyay sababtii ku dhalisay hindisaha uu ku soo saaray agabkan loo adeegsan doono waraabka beeraha waxaanu yidhi “Waxaan ka soo baxay dugsiga farsamada gacanta ee Burco Techical Instute, maadaama dhallinyaradii aanu isku faca aheyn ay tahriibeen oo ay waddanka ka baxeen anigu waxaan go’aansaday inaan dalka wax ku soo kordhiyo, fikirkan waxaa igu dhaliyayna waxa weeyaan mushkiladaha dalka ku soo noqnoqonaya marba marka ka dambaysa ee ay abaartu kow ka tahay, waxaana iga go’an oo aan hindisay inaan soo saaro warshad soo saarta beebka beeraha lagu waraabiyo, kaas oo aan ka sameeyo caagadaha biyaha iyo sharabka laga cabbo ee loo yaqaano si looga baxo baahida loo qabo agabka dibedda inooga yimaada ee waraabka beeraha, waan sameeyay oo hadda intoodii ugu horreysay waan soo saaray, waxaan diyaar u ahey inaan xukuumada talada dalka heysa kala qayb qaato abaaraha dalkeena iyo dadkeenaba naafeeyay wax kala qabashadooda, aniga oo uga faa’iideynaya cilmiga iyo aqoonta farsamo ee aan bartay, diyaarna waxaan u ahey inaan agabkan aan ku wareejiyo xukuumada Somaliland, rabitaankeyguna waxaa uu yahay inaan noqdo muwaadinkii ugu horreeyay ee hinidisihiisa uga faa’ideeya si tuburuc ah dalkiisa iyo dadkiisa”

Deeq waxaa uu u soo jeediyay xukuumadda Somaliland in gacan laga siiyo sidii uu qorshihiisu taabbpo gal u noqon lahaa lagana taakulayn lahaa dhanka dhaqaalaha. waxaanu yidhi “Agabkani waxaa uu la tayo yahay agabka dibedda la inooga keeno ee loo adeegsado waraabka beeraha, aniga,ayaa tijaabiyay kuna waraabiyay beer aan anigu leeyahay waanan ku guuleystay, waxaanay aheyd tijaabada heerkii koobaad waxaana doonayaa in xukuumadda talada dalka heysaa ay iga caawiso awooddii aan ku soo saari lahaa agab lagu warraabin karo hal higtar amase laba higtarba, cabirkasta oo loo baahan yahayna waan ka dhigi karaa, waxaanan u adeegsaday sameyntooda agab farsamo oo aan heysto, sameynta iyo hindisaha agabkan loo adeegsado waraabka beeruhu wuxuu igu dhashay muddo imika laga joogo lix bilood qorshaheyga mustaqbalkuna waa hindisaha warshad soo saarta agabka waraabka beeraha oo xal u helis u noqon karta in laga boxo abaaraha marba marka ka dambeeya dalkeena ku soo noqnoqonaya”

Mar uu ka hadlayay sababaha ugu weyn ee uu qorshahan soo saarista qalabkawaraabka beeraha uu ka leeyahay waxaa uu yidhi. “Ujeedada ugu weyn ee igu kaliftay inaan aqoontayda bulshada uga faa’iideeyo oo aan soo saaro agab loo adeegsado waraabka, dadkeeni waxaa ay noqdeen barakacayaal iyaga oo heysta dhul hodan ah oo waxbeerista ku wanaagsan, waxaan uga faa’iidaynayaa aqoontayda anna si ay sadaqo iigu noqoto oo aan ku maalgaliyo bulshadeyda si ay uga baxaan baahida ay u qabaan dhanka wax-soo-saarka, sidoo kale waxaa maankayga ku jira hal abuurro kale oo noocan oo kale ah hase ahaate soo saaristooda iyo hirgalintooodu ay igu adag tahay, waxaanan xukuumadda talada dalka heysa ugu baaqaya inay iga caawiso dhanka awoodda dhaqaalaha si aan guul uga gaadho, hidisaheyga iyo hal abuurnimadeydaa, xukuumada ayaanan hadyad ahaan u guddoonsiin doonaa, in badan oo xukuumadihi wadanka isaga kala dambeeyay waxaa ay bulshaweynta reer Somaliland ugu baaqi jireen in la keeno nidaam lagaga gudbi karo caqabadaha dhanka wax-soo-saarka la’aanta dalka ee ragaadiyay markaa qorshahan iyo hindisahan aan gacanta ku hayaa waa mid wax badan ka tari kara baahidii bulshadu u qabtay dhanka wax-soo-saarka”Ayuu yidhi muwaadin Deeq Ismaaciil Warsame.

Mar uu ka hadlayay hindiseyaasha Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muse Biixi waxaa uu yidhi. “Hadafka koobaad ee xukuummadeenu waa in isku fillaansho la gaadho,si markaa isku fillaansho loo gaadho oo looga gudbo caqabadahan kala duwan ee maanta inna haysta ee inna soo maray waa in bulshadeenu u guurto hannaanka qasabadaha badan ee loo adeegsado waraabka beeraha, waayo halkii mitir ayaa ah hal dollar, markaa kun dollar iyo wax ka badan ayuu kugu tegayaa haddii la hirgaliyo hannaankan waxaa laga yaabaa in laba boqol oo shilinka Somaliland ahi ay kaaga baxdo halkii hal dollar iyo wax ka badani ay kaaga bixi laheyd, hannaankanina waa mid suuragalinaya in aan biyihii beerta aad ku waraabineysay aanay dhibic kale ahi dhulka kaaga dhicin, waa mid suuragalinaya in beerta sidii aad dooneysay ay wax kaaga soo baxaan, waana mid ka mid ah furayaashii wax soo saar ee dalku uu ku horumarilahaa, sameyntiisana waxaan u adeegsaday dab aan ku dhalaaliyo agab aan anigu heysto iina sahlaya sameyntiisa muddo lix bilood ka badan ayay shaqeynaysaa oo mid jabaya amase cadceedu wax yelayso maaha.

Ugu dambayn waxaa uu codsi u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland uu kaga dalbanayao in uu wax kala qabto baahiyaha ku gedaaman wax soosaarka iyo hal-abuurka uu hindisay. “waxaan ka codsanaya madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo ah madaxweynihii dhallinyarada inuu gacan igasiiyo hirgalinta barnaamijkan sidoo kale iyaga iga taageero sidii aan u soo bandhigi lahaa barnaamijyada kale ee maskaxda ku jira ee qorshaha ku tala galka ee mustaqbalkaygu yahay inaan dadkayga iyo dalkayga uga faa’ideeyo, oo ay adeegsadaan dadkii ku xoola beelay abaarihii inna soo maray beeraleyda iyo cidkasta oo qorshaha ku tala galkoodu yahay in ay waxqabsadaan hirgalinta qalabkanina waxaa laga yaabaa in kumaan kun beerood oo aan maanta shaqeyn amase wax-soo-saarkoodu yar yahay inuu ka shaqeysiyo, sidoo kale waxaan doonaya inaan mustaqbalka dhaw aan warshad ka dhigo xukuumaduna iga saacido hirgalintada iyadana ayaanan ku wareejin doona oo waxaa ay noqon doontaa asad ay dawladdu leedahay”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply