Wasiirka Maalgashiga oo ka Warbixiyay Shirkii Maalgashiga Aduunka oo la soo Gabagabeeyay

0
270

Hargaysa (Dawan): Shirweynaha maalgashiga aduunka ayaa todobaadkan lagu soo gabagabeeyay magaaladda Dubai ee wadanka isutaga imaaraadka carabta, iyadoo shirkaasi ay ka qayb galeen wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka socday Somaliland.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay ku dhawaad 140 isugu jaray madaxweyneyaal, wasiirro iyo shirkadaha maalgashiga sameeya iyo sidoo kale xubno khubarro ah oo ku takhasusay arrimaha maalgashiga shisheeyaha.

Weftiga ka socday dhinaca xukuumadda Somaliland waxaa hogaaminayay wasiirka horumarinta maalgashiga caalamiga Maxamed Axmed Cawad, iyadoo ay wehelinayeen wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad iyo sidoo kale danjiraha Somaliland u fadhiya imaaraadka Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Masuuliyiinta ka socday Somaliland ayaa intii uu shirkaasi socday waxay shir doceedyo la yeesheen shirkado dhawra oo ka mida kuwa maalgashiga ku sameeya dalalka u baahan, iyadoo ay qaar ka mid ah isla af-garteen in ay Somaliland yimaadaan si ay u qiimeeyaan meelaha u baahan maalgashi.

Wasiirka horumarinta maalgashiga iyo wasiirka ganacsiga Somaliland oo shalay warbaahinta la hadlay kadib markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Hargaysa ayaa faahfaahin ka bixiyay shirkaasi iyo waxyaabaha ay kala soo noqdeen.

Maxamed Axmed Cawad, wasiirka horumarinta maalgashiga oo arrimaha shirkaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shirkan waxaa laga hadlaa waxa loo yaqaano ama loo soo gaabiyo AIM. Waxaana lagu qabtaa magaaladda Dubai waxaana soo qaban qaabisa dawladda imaaraadka carabta. Shirkan sanad walba waa la qabtaa, waxaanay ahayd markii 8aad ee la qabto. Sanadkan waxaa ku cusbaa anigoo Somaliland ah iyo wadanka Koonfurta Kuuriya”.

Geesta kale wasiirka wasaaradda ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay heshiiska horumarineed ee ay xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda DP World uu al-baab cusub u furay sidii ay dawladaha iyo shirkadaha caalamku ugu soo hiran lahaayeen.

Maxamuud Xasan Sacad, waxa uu sheegay in mudadda 27-ka sanadood ah ee ay Somaliland jirtay aanay marnaba helin wax maalgashi shisheeye ah, balse ay imika arrintaasi ka baxday.

“Waxaa muhiim ah in dalkeenu muddo 27 sanadood ah in uu ahaa sidii wax Koontaynar ku jiroo kale, oo aan nasiib darro helin maalgashiga shisheeye oo caalamiya.

Markaa imika heshiiska maalgashi ee aan la galnay shirkadda DP World ee imaaraadka carabta, wuxuu inoo furay in aan ka baxno godkii aan ku jirnay, waanan ugaga mahad celinay”ayuu yidhi wasiir Maxamuud Sacad.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply