Go’aamo ka soo Baxay Baanka Dhexe ee Somaliland

0
275

Hargeysa (Dawan):- Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saaray wareegto waajibaad faraysa dhammaan hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay, kana shaqeeya gudaha Somaliland oo isugu jira baananka, xawaaladaha, sarrifleyaasha, hay’addaha bixiya daymaha maaliyadeed, shirkadaha caysmiska iyo dhammaan cid kasta oo ku shaqaysa hab maaliyadeed ka jira gudaha dalka Somaliland.

Waxaanu Baanka dhexe ee Somaliland faray dhammaan hay’adaha ay wareegtadani qusayso in ay u hoggaansamaan go’aamada ay xambaarsan tahay wareegtadani oo ku waajibinaya in ay iska diiwaan geliyaan baanka Somaliland, oo ay ka qaataan ruqsada sharciga ah ee ay ku shaqayn karaan, halka kuwii hore uga qaatay ee haystay isla markaana ruqsadoodu ay ka dhacdayna la farayo in ay dib u soo cusboonaysiistaan.

Haddaba wareegtada Baanka dhexe ka soo baxday oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha baanka Somaliland, ayaa u dhignayd sidan “Baanka dhexe ee Somaliland isaga oo ka duulaya qodobka `133aad ee xeerka Baanka Dhexe Xeer Lr. 54/2012, isla markaana fulinaya waajibaadka ku xusan qodobka 4aad, farqadiisa 4aad, qodobada 83aad, 74aad, 92aad iyo 69aad, farqadiisa 2aad ee xeerka Baanka dhexe ee Xeer Lr. 54/2012, waxa uu soo saaray wareegtadan:-

Waxa la fayaa Bangiyada gaarka loo leeyahay (Privet Banks), shirkadaha caymiska, sariflayaasha lacagaha qalaad, adeeg bixiyayaasha lacagaha, shirkadaha bixiya daymaha yar yar, hawl wadeenada hababka lacag bixinta, adeeg bixiyayaasha damaanadaha, hawl-wadeenada habka damaanadaha iyo dhammaan hay’addaha maaliyadeed ee ka shaqeeya gudaha dalka Somaliland in ay:

  • Iska diwaan geliyaan Baanka dhexe ee Somaliland, haddii aanay ruqsad ka haysanin baanka dhexe ee Somaliland.
  1. In ay cusboonaysiistaan ruqsadaha haddii ay hore baanka ruqsad uga haysteen oo ay ruqsadii (Liisan) ka dhacday.

Sidaas darteed, waxaa la farayaa dhamaan hay’addaha maaliyadeed ee dalka gudihiisa ka shaqeeya in ay muddo saddex todobaad gudahood ah oo ka bilaabanta taariikhda wareegtadani soo baxday ku soo dhamaystiraan/buuxiyaan, waajibaadka ku xusan wareegtadan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply