Taliye Taani oo Furay Dhisme Casriya oo loo Dhisay Sarkaashiisa

0
271

Hargeysa (Dawan)- Xarunta miiska sarakaashi ee ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa laga hirgeliyey dhisme casri ah oo ka kooban toban qol oo jiif ah, berkad iyo goobta lagu sameeyo roodhida ee loo yaqaan Moofada .

Dhismaha oo lagu talo galay saraakiisha da’yarta ee tobabarka ku qaata xarunta ayaa munaasibadda xadhiga lagaga jarayay lagu qabtay isla xaruntaasi, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Ciise Axmed Yuusuf, Taliyaha ciidamada qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaciil Taani , Madaxa Ciidanka boqortooyada Ingiriiska ee bariga Afrika General Mot iyo sarkaal kale oo ka socda dalka Britain

Sareeye gaas Nuux Ismaciil Taani ayaa sharaxay dhismaha waxaana uu yidhi “Goobtani waxa laga bineeyay guryo la seexdo oo ah toban guri oo loogu talo galay saraakiisha sar sare ee goobtan wax lagu baro, Sarkaalka haddii aanney aqoontiisu sii kordhin wax tarkiisu wuu yaranayaa, waxaana kharashaadka dhismahani lagu dhisay bixisay dawladda Ingiriiska waana guul iyo horumar u soo korodhay ciidanka qaranka, dhismahan waxaa fulisay shirkada Najaxna waxaanay hirgalisay dhismahan sida fiican loo bineeyay”

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Ciise Axmed Muuse ayaa u mahad celiyey dawladda dalka Britain, waxaanu yidhi “Waxaan u mahadcelinayaa dawladda ingiriiska ee mashruucan maalgelisay, waa horumar, maaha dhismihii ugu horreeyey ee ay sameeyeen, wax danbema waau ka rajaynayaa, waa dhisme dhaxal gal ah oo aan manfaciisa iyo ka faa’idaysigiisaba aanu rajaynayo “

Madaxa ciidanka boqortooyada Ingiriiska General Mot oo fadhigiisu yahay Caasimada dalka Ethiopia ee Addis ababaa ayaa sheegay in dhismahani qayb ka yahay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyey labada dawladood, waxaanu xusay inuu qayb ka yahay mashaariic isugu jira dhismayaal iyo tababaro ay siinayaan sarkaashi ciidanka Mellateriga Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply