Baarlamaanka Somaliland iyo Sweden oo ka Wada Hadlay Qabsoomidda Doorashoyinka

0
285

Hargeysa (Dawan):- Baarlamaakna Somaliland iyo dawladda dalka Sweden,ayaa ka  wada hadlay qabsoomidda doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh iyo dhaqaalaha lagu gelayo oo ay Sweden qayb ka tahay dawlaha qaadhaanka  arrimaha doorashooyinka ka taageera Somaliland

Guddoomiyaha golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo kulan saacado badan qaatay xaiiskiisa Hargeysa kula yeeshay wefti ka socday dalka Sweden oo uu hoggaaminayay Safiirka dalka  Sweden ee Somaliland Ambassator Andreas Ron Vexkull.

Kulankan oo qodobo dhawr ah lagaga wada hadlay waxaa markii uu soo  dhammaaday warbaahinta la hadlay Guddoomiye Baashe,ayaa faah faahin ka bixiyay qodobada ay ka wada hadleen oo uu sheegay in ay  ka mid ahayd in doorashooyinka Somaliland ku soo foolka lihi ay  ku qabsoomaan xilliga  u muddaysan iyo in qaadhaan bixiyeyaashu ay bixiyaan lacagta doorashooyinka lagu gelayo qaybtooda.

Waxaanu yidhi Guddoomiye Baashe oo arrimahaa ka hadlayaa.

“Waxaa na soo booqday safiirka Sweden ee Somaliland   dalka  Sweden   Ambassato Andreas Ron Vexkull waxaanu ka wada hadalnay doorashooyinka inagu soo foolka leh, waxaanu ka wada hadalnay sidii ay  golaha si weyn uga caawin lahaayeen  shuruuc badan oo aanu heyno iyo dhismaha xarunta golaha wakiiladda”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa raaciyay “Waxaanu  u sheegnay inay golaha wakiiladda Somaliland diyaar u yihiin 2019-ka galista doorashada golaha,  shaqadana waala kala leeyahay ee waxaanu u sheegnay inay diyaariyaan kharashkii iyo lacagtii doorashada lagu gali lahaa iyaga oo markii hore bixin jiray boqolkiiba shan iyo todobaatan, hase ahaate xukuumada Somaliland ay bixin jirtay shan iyo labaatan  laakiin tii aqalka madaxtooyada ee u dambaysay in ay  xukuumada Somaliland bixisay boqolkiiba shan iyo todobaatan hay’addaha qaadhaan bixiyeyaashuna  ay boqolkiiba shan iyo labaatan  keliya ay bixiyeen,markaa waxaanu isla garanay oo aanu ku wargalinay inay bixiyaan lacagtii intii ay hore u bixin jireen ee aheyd boqolkiiba shan iyo todobaatan xukuumada iyo xisbiyaduna ay diyaar u yihiin inay diyaariyaan kootadii haweenka iyo saami qaybsigii inay diyaariyaan komishanka doorashooyinka qaraka Somalilandna ay diyaariyiin doorashooyinka iyo sidii loo qaban-lahaa, qoladan Swedenna waxaanu u sheegnay inay diyaariyaan lacagtii doorashada lagu geli lahaa, caawimada golaha iyo bixinta lacagta doorashooyinkaba waa ay naga aqbaleen qastigooda u weynina waxaa uu u badnaa inaanay Doorashada soo socota   wakhtigeedii  dib uga dhicin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply