Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa beeniyay in dawlada Soomaaliya saxeexday heshiiska ay wada galeen dawlada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee Shirkad DP World ku maalgelinayso dekeda Berbera.
Faysal Cali Waraabe oo warbaahintu wax ka waydiisay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay wasiiru-dawlaha arimaha dibedda dalka Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ee uu kaga hadlay maalgalinta Shirkada DP World ku samaynayso dekeda Berbera.
Guddoomiye Faysal waxa uu intaa ku daray in heshiiskaa uu goob joog ka ahaa isla markaana ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu, meel ay Soomaaliya ka soo gashayna aanay jirin. Sidoo kale waxa uu tafsiir ka bixiyay hadalkii Wasiirudawlaha Imaaraadka Carabta waxaanu yidhi “Wasiiru-dawlaha arimaha dibedda ee Imaaraadka Carabtu wax qalad ah kuma hadlin, is-faham ayaanu kala yeelanay Soomaaliya ayuu yidhi, is-faham kaasina wuxuu ahaa shirkii ka dhacay Istanbul oo ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya aanay carqaladayn wixii horumara ee laga samaynayo labada dal, laakiin waxay saxeexday Soomaliya ma jirto oo aniga ayaa goob ka ahaa heshiiskaas ee waxa kala saxeexday Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, wax la buunbuuniyo maaha heshiiskaasi,
Sidoo kale Faysal Cali Waraabee waxa wax laga waydiiyay xadhiga Niciima Qorane, waxaana uu yidhi “anigu hadaan madaxweyne ahay waan dili lahaa Niciima Qorane, sharciga ayaana la marinayaa qofkuna Soomaaliya wuu tagi karaa laakiin in ay ka hadasho Soomaaliwayn iyo wax aan jirin looma baahna. mana aha dalka in la dumiyo qofkii sharciga dumiyana waa la xidhayaa”.
Dawannews Hargeysa office