HASS Petroleum oo Xukuumadda ugu Baaqday in Talaabo laga Qaado Shirkadda Dalka Keentay Shidaalka Xun

0
291

Hargeysa (Dawan)- Shirkadda shidaalka ee Hass Petroleum ayaa shacabka Somaliland u caddaysay in aanay dalka keenin shiidaal tayadiisu aad u hoosayso. Waxaanay xukuumadda Somaliland ugu baaqday in ay talaabo ka qaado shirkadda shiidaalka xun dalka keentay.

Waxaanay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen Magaaladda Hargeisa Madaxa suuqgaynta iyo xidhiidhka Bulshadda ee shirkadaasi Md Xasan Miisaan iyo Madaxa kaalmaha shidaalka Md Cali Qodax.

Ugu horayn Waxa halkaas ka hadlay, tafaasiilna ka bixiyey Arrimaha shiidaalka tayadiisu xun tahay madaxa kaalmaha Hass petrolium md Cali Qodax, Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Waxaa weeye in aanu cadayno shiidaalka xun ee wadanka soo galay in aanaan ka masuul ahayn shirkada Hass Petroleum hadaanu nahay, Hass Petroleum waxay ka shaqaysaa 12 dal oo bariga afrika ah waxa uu ku soo caan baxday keenista shidaal aad ay tayadiisu u wanaagsan tahay dhamaana wadamada ay ka shaqeyso aanay cabsho kaga soo noqon, iyada oo Hass Petroleum xidhiidh la leh kombaniyada dunida ugu waawayn isla markaana ay haysato shahaadooyinka ugu wanaagsan ee hubinta tayooyinka shidaalka ay wadamada macaamiisha u ah u keenayso, marna nagama suurawdo in aanu keeno shidaal aanu tayadiisu wanaag sanayn, waxaanuna halkan ku cadaynaynaa in Somaliland la keenay shidaal xun isla markaana lagu shubay haamaha shidaalka ee berbera, hadii aanu nahay Hass Petroleum shidaalkii ugu danbeeyay waxaanu keenay sadex bilood ka hor shidaalkaasina waxa uu ahaa shidaal aad tayadiisu u sarayso isla markaana ay in yari hada ugu jirto, intaas yar ee haamaha noogu hadhay waxaa dhacday in lagu shubay shidaal aanay tayadiisu wanaagsanayn isla markaana ay ku dul shubtay mid ka mid ah shirkadaha soo dajiya shidaalka, sababtaas ayaana  keentay in shidaalkii la wada is ticmaalo, haamaha oo ay wada is ticmaalaan kanbaniyada soo dajiyaa shidaalka, taas oo sababtay shidaal kayagii tayada lahaa in lagu dul shubo shidaal aanay tayadiisu wanaag sanayn taasi oo wadanka oo dhan saamayn ku yeelatay”. Ayuu yidhi Cali Qodax.

Sidoo kale Madaxa Suuqgaynta iyo Xidhiidhka Bulshadda Xasan Miisaan oo ugu danbayn halkaasi ka hadlay, Waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaaradda ganacsiga in ay baadhis ku samayso cidii keentay shidaal kaasi xun ee dalka yaala ayna la tiigsato  sharciga. Hass Petroleum shidaalkii ugu danbeeyay ee dalka aanu keeno sadex bilood ayaa ka soo wareegay hada khasaaraha na soo gaadhay waa khasaaro wayn, macaamiisha sharafta leh waxaanu u sheegayna in Hass Petroleum shidaal kaasi xun in aanay keenin kuna shubin haamaha kaydka shidaalka.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply