Wasiirka Caddaaladda oo Qeexay Xorriyadda Somaliland ka Jirta iyo Waxa Dembi lagu Geli Karo

0
276

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa sheegay in dastuurka Somaliland uu dammaanad qaaday xorriyadda hadalka iyo cabbirka fikirka dadka, isla markaana aan loo qaban cidna fikirkeeda iyo aragtideeda, marka ay waafaqsan tahay dastuurka Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu meesha ka saaray in isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya uu dambi yahay. Waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay Barnaamijka wicitaanka dhegaystaha ee idaacadda VOA Somali.

Wasiirka oo la waydiiyay in cabbirka fikirka qofka la isku xidho Somaliland isla markaana aanay dadku aragtidooda cabbiri karin, ayaa ku jawaabay. “horta Somaliland waa dal dimuquraadi ah oo qofka illaalinaya xorriyaddiisa hadalka iyo in uu cabbiri karo fikirkiisaba waxaana dawladda uu xil ka saaran yahay in ay illaaliso muwaadinku in uu aragtidiisa dhiiban karo oo aan lagi xidhi karin laguna cabbudhin karin laakiin sidoo kale wuxuu xukuumadda xil ka saaran yahay in ay illaaliso qarannimada Somaliland iyo nabad gelyada dalkaba isla markaana qofka ku kaca hadal iyo ficil ka dhan ah qarannimada Somaliland ama la yimaadda wax nabad gelyada dalka khal khal gelinaya waa la qabanayaa eedayntiisana waxaa loo gudbinayaa Maxkamadda haddii uu fal dambiyeed ku caddaado oo uu iska difaaci kari waayo eedaha lagu soo oogay sharcigu wuxuu ka qabo ayaa loo marayaa markaa waa kala laba xorriyadda dastuurku muwaadinka u dammaanad qaaday iyo falka qarannida lidka ku ahi.”

Wasiirka oo la waydiiyay in qofka muwaadinka ahi xorriyad u leeyahay in uu ka hor yimaaddo gooni isu taagga Somaliland isla markaana uu ku doodi karo in midnimadii Soomaaliya soo celinteeda ay la wanagsan tahay in ay dambi tahay iyo in kale,ayaa ku jawaabay. “taasi waa dambi qaran oo wayn oo xad gudub ku ah qarannimada dalkan iyo dadkan waxaana taa caddeeyay dastuurka Somaliland oo boqolkiiba 97 ay haa ugu codeeyeen markaa qofkii taa ku kacaa waa dambiile anigoo wasiir ah iyo cid kasta oo ku kacdana sharcigu wuu qabanaya.”

Wasiir caateeye oo la waydiiyay in Xamar ama Soomaaliya tagisteedu ay dambi ka tahay Somaliland,ayaa ku jawaabay. “Xamar iyo Soomaaliya tegisteedu dambi maaha ee waxaa dambi ah meel kastaba qofku ha tagee in uu ku koco fal ka hor imanaya qarannimada Somaliland oo uu ficil iyo hadal ula yimaaddo hadduu Muqdisho qof tago oo uu fal noocaas ah ku koco iyo haddii uu Yurub ama dal kaleba tago oo uu ku koco waa dambiile laakiin mid Soomaaliya tegisteeda ku xidhan maaha.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply