Xisbiga WADDANI oo Laba Garab u Kala Jabay

0
296

Hargeysa (Dawan)- khilaafkii Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sababay in xisbigaasi uu laba garab u kala jabo, kadib markii siyaasiyiin xisbigaa ka tirsan oo ka mid ah aasaaseyaashii xisbiga WADDANI oo saluugay hoggaaminya guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo xisbigaasi uu sheegay in ay xilka ka qaadeen ay ku dhawaaqeen garab ka mid ah xisbigaas oo ay ku sheegeen in uu yahay garabka badbaadinta xisbiga waddani.

Siyaasiyiintan ku dhawaaqay garabka badbaadada xisbiga Waddani waxa ay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa, kuwaasi oo ay xubno ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga Waddani Abuubakar Sheekh Cismaan Meecaad (Shiine Dheere), xoghayihii guud ee Xisbigaasi Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Cismaan Ibraahim Warsame iyo xubno kale.

“Waxa aanu maanta (shalay) iclaaminaynaa in aanu nahay Xisbiga Waddani gaar ahaan garabka badbaadada oo badbaadinaya Xisbiga Waddani marka uu hoggaanka xisbigu garab maray shuruucda xisbiga ee aanu dhiganay ama aanu ku ansixinay shirweynihii aanu qabsanaynay, marka shakhsi qudha uu baalmaro waa in aanu saxnaa” ayuu yidhi Abuubakar Sheekh Cismaan Meecaad (Shiine Dheere) oo ah Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga isla markaana ku gacan saydhay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadis xisbiga garabkiisa kale ay sheegeen in ay ku sameeyeen.

Cismaan Ibraahim Warsame oo ka tirsan siyaasiyinta Xisbiga Waddani ayaa sheegay in ay ilaalinayaan shacbiyada iyo taageerayaashooda isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “ Waxa la yidhi dameer dabadii ninka ka degay meel uga tolmoon buu waayey in aanu caddayno hawsha maanta meel nooga tolmoon baanu waynay masuuliyad baa naga saaran haddii aanu nahay taageerayaal, Xisbiyahano iyo madaxdii xisbigaba in aanu ilaalino shacbiyadayadii iyo karaamada dadka , Cabdiraxmaan dadka caadiga ah waxba kama duwana waxa keliya ee uu dheer yahay waa taageeradii aanu siinay “

Xogyahaye Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa raali gelin ka bixiyey hadal u guddoomiye Cirro ku sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo uu ku kacay falal qaran dumis ah, waxaanu yidhi “wixii uu ku hadlay guddoomiye Cirro waa wax aanu ku metelin xisbiga wixii aflagaado hadalkiisa ku jira oo uu ugu horreeyey madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Silaanyo oo runta dalkan tacab aan cidina gelin cid gelisayna ay yar tahay soo geliyey waa wax cirro u gaar ah “

Siyaasi Faarax Cilmi Geedoole oo loo doortay hoggaamiyaha garabka ayaa meesha ka saaray in xukumaddu dabada ka riixayso garabkooda “Xukumad dabadda naga riixaysaa ma jirto ninka xukumadda dabadda ka waddo horaa loo arki lahaa Xisbigu waa dad isku tegay oo ujeedo keliya lahaa hadday in yari meel iskugu tagto oo hebel baan erinay tidhaahdo intii kalena meel bay joogta,” ayuu yidhi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply