Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Basaska Magaalada ka Dhex Saaraysa

0
298

Hargaysa(Dawan):- Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa,ayaa sheegtay in ay magaalada gudaheeda ka saarrayso guud ahaanba gudaha magaalada isla markaana ugu samayn lahayd baarkino koonayaasha magaalada ah oo ay ka soo baxaan halka ay sheegeen in magaalada loo ogolaan doono oo keliya baska markaa istaanka ka baxaya iyo ka soo gelaya.

Xoghayaha dawlada hoose ee magaalada Hargaysa Axmed Yoonis Aadan Juxa,ayaa sheegay in ay koonayaasha magaalada basaska baarkinkooda u rarayaan isla markaana ay qorshaynayaan in adeegga basasku magaalada oo dhan wada gaadhao lagana raysto culayska ka jira cidhiidhiga Istaamada ay ka rakaabsadaan ee suuqa oo sababa in suuqa waddooyin badan oo la isaga gudbi lahaa ay xidhmaan ka dib markii ay basasku baarkin ka dhigteen.

Xoghayaha oo shalay warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi“Basaska ka shaqeeya magaalada Hargaysa mushkilad ayay ku yihiin magaalada waxaanay magaaladu noqotay magaalo baarkinkeedu aanu qaadi karin baabuurta aynu wadano,waxaanan wadnaa qorshe aanu ku doonayno in aanu basaska magaalada kaga saarno baskii soo gelaya iyo kii baxaya mooyee in aanu inta kale magaalada dibeda uga saarno waxa dhacday magaalada gudaheedii waxa ku jira ilaa 2000 kun oo bas baskiina maalintii waxa u dhaqaaqaa labo jeer baarkinka ay yaalaanna waxa ka faa,iidaysan lahaa baabuurta kale waxaanu basasku baarkin uga dhigi doonaa magaalada baallaheeda magaaladiina way fidday.waxaanan gaynaynaa basaska u baxa Siinaay iyo madaarka kaantaroolka madaarka shishadiisa waxaana loo baahanyahay in adeega basasku dadka wada gaadho,cabasho ayaana naga soo gaadhay dadka oo ay kaga cabanayaan basaska taga Badhka oo kale,”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply