“Hindisaha Aqoonsiga Somaliland Hadda uun buu ugu Dhowday yahay” The Mail&Gaurdian

0
318

Sanado badan hindisaha aqoonsiga Somaliland wuxuu ku jiray raadin, laakiin wakhtigan, waxa soo dhowaaday inuu shaqaynayo hindishaha aqoosiga Somaliland. Warbaahin badan oo dunida ah ayaa berriyahanba hadal haysay isbedelka siyaasadeed iyo kan Juquraafiyeed ee Mandaqada geeska Afrika, waxaana hadda soo baxaysa in ay muuqato Istiraatijiyada goobta ay ku taalo Somaliland.

Wargeyska The Mail & Gaurdian ee ka soo baxa dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu shalay baahiyey Maqaal uu ciwaan uga dhigay ‘’ Hindisaha aqoonsiga Somaliland waxa kor u soo qaaday isbedelka ku dhacay Mandaqada’’. The Mail & Gaurdian waxa uu saadaalinayaa in ay hadda muuqato in ay shaqaynayso siyaasadda Istiraatijiyada ee goobta ay Somaliland ku taallo, islamarkaana ay hadda uun ugu dhawdahay Citiraaf Somaliland oo muddo dheer bulshada caalamku dhegaha ka furaysatay qadiyadeeda indhahana laga xidhay.

“Kala qaybsanaanta qadhaadh ee Khaliijka ayaa kala qaybinaysa Geeska Afrika iyada oo dalalka ku khasbaysa in ay dhinac raacaan. Dawladda Federalka ee Muqdisho waxay la safan tahay Qadar iyo Turkiga. Tani waxay ku khasbaysa Imaaraadka iyo Sucuudigu in ay raadsadaan bahwadaag kale oo Soomaali ah, waxaana si xamaasad leh booskaa u buuxinaysa Somaliland,” Sidaas ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Wargeysku wuxuu sheegay in sii kala fogaanshaha Muqdisho iyo Abu Dubai tahay mid fursad u ah Somaliland, islamarkaana citiraafka ku sii dhowaynaysa. Waxa lagu sheegay warbixinta in iyada oo Imaaraadku ka xamaan urursanayo Muqdisho uu aqbalayo Passport-ka Somaliland taasna ay ka dhigan tahay markii Somaliland waligeed Citiraafka ugu dhowayd.

The Mail & Guardian waxa uu leeyahay Somaliland inkasta oo ay la timi deganaansho iyo Dimuquraadiyad, waxay ku jirtay godoomin ah in aanay caalamka xidhiidh dhaqaale la lahayn, laakiin waxay wax ku maaraynaysay arrimeheeda dhaqaale, wakhtiganse arrimuhu waxay u socdaan si u wanaagsan Somaliland.

Xidhiidhka Imaaraadka waxa kale oo doonaya maamul gobolleedka Puntland oo ay dawlada Federalka ah isku dhowaayeen, balse wakhtigan doonaya inuu dhinaca Imaaraadka maro. Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas ayaa haatan  socdaal ugu maqan Imaaraadka, waxaana uu doonayaa inuu ka leexdo go’aanka Federalka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply