Guddoomiyaha UCID oo Ka Hadlay Cadawga Somaliland iyo Xuquuqda Haweenka

0
302

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay cadawga ugu weyn ee Somaliland ay leedahay iyo xuquuqda haweenka iyo waxa Somaliland ay dheertahay Soomaaliya.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in cidda ugu daran ee Somaliland cadawga ku ah ee loo baahan yahay in lala dagaalamaa in ay yihiin shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo aan dalka joogin isla markaana ku nool Soomaaliya oo xilal ka haya, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ugu badan ee dacaayadaha ka fidinaya baasaboorka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabtu uu ogolaaday in dalkooda lagu galo iyo qarannimada Somaliland oo ay xasad ku yihiin kana fidiyaan dacaayado aan jirin.

Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlayayna wuxuu yidhi “Baasaaboor kii Somaliland waa la ogolaaday in lagu galo waddanka Imaraadka carabta kuwa leh lama ogolaan oo Somaliland lama ictiraafayo Somaliland ayay ka soo jeedaan oo ay u badan yihiin waana in lala dagaalamo kuwaas gudaheena ayaan iska burburinaynaa,Soomaaliya waxaaynu dheer nahay xaaji Cabdi Waraabe”.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu sheegay in xisbigoodu uu soo dhawaynayo in dumarku ka qayb qaataan siyaasadda dalka iyadoo xuquuqda dumarka lagu dabaqayo diinteena suubban ee Islaamka.waxaanu yidhi“Waanu soo dhawaynaynaa wixii dumarka loo qabanayo Dastuurkeenu ma,qayaxayo kootada dumarka Dumarkeenu way dayacan yihiin maalintii oo dhan suuqa ayay wax ku iibinayaan,Xuquuqda dumarku waxay ku jirtaa in lagu dabaqo diinteena xuquuqdoodana waxa sheegtay diinteena suuban markii axsaabta la samaynayay waxaaanu ahayn xisbiga qudha ee qaybtooda siiyay dumarka.”.

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

 

 

Leave a Reply