Maamulaha Madaarka Hargeysa oo Jawaab ka Bixiyay Dacaayado Garoonka Laga Faafiyay

0
267

Hargeysa (Dawan):- Maamulaha Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa waxba kama jiraan iyo dacaayado been abuur ah ku tilmaamay warar laga qoray. garoonka diyaaradaha ee Cigaal oo lagu sheegay in roobabkii ugu dambeeyay ee magaalada ka da’ay waxyeello soo gaadhsiiyay.

Waxaanu intaa raaciyay in wararkaasi ay yihiin kuwo lagu waxyeelaynayo madaarka, sidoo kalena wax loogu dhimayo sumcadda iyo qarannimada Somaliland oo aan tudhaale lahayn, waxaanu u soo jeediyay warbaahintu marka ay wax ka qorayso hay’ad dawladeed in ay wax ka waydiiyaan masuuliyiinta ku shaqada leh si ay u helaan xog xaqiiqo ah, isla markaana ay u dhawraan sumcadda dalka iyo dadka ba .

Waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka wada shaqayneed ee Madaarka Cigaal uu la wadaago madaarada kale ee caalamka iyo sida ay u sugaan ammaanka iyo bad-qabka caafimaad ee dadka ka soo degaya madaarka iyo kuwa ka dhoofayaba.

Maamulaha Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay khadka taleefanka ku siiyay wargayska Dawan.

Ugu horrayn Maamulaha oo la waydiiyay in ay jiraan khasaare roobabkii ugu dambeeyay ay gaadhsiiyeen dhabbaha diyaaradduhu ka haadaan ee madaarka caalamiga ah ee Cigaal, ayaa ku jawaabay “Horta warkaa warbaahinta qaar ayaannu ku aragnay, waxaanay ka mid tahay wararka aan jirin ee la iska qoro, laakiin waxa habboon in wax laga waydiiyo marka hay’ad dawladeed wax laga qorayo masuuliyiinteeda, waana war aanay waxba ka jirin oo been abuur ah, waxaana qoray warbaahinta mucaaridka taageerta, laakiin mucaarid iyo muxaafid ba dalka waynu wada leenahay ee waxa loo baahan yahay in aynu dalka wada illaashano oo sumcaddiisa aynu wada dhawrano oo aynu is waydiino warka aynu qoraynaa halka uu gaadhayo iyo sawirka uu dalka ka bixinayo. madaar caalamiya ayuu roob wax yeelleeyay waxay ka dhigan tahay in aan dalkaa socdaalkii safarka diyaaraduhu sidoodii caadiga ahayd u tegi karin. Madaarka caalamiga ah ee Cigaal xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxay u dhistay hannaan casri ah oo caalami ah, waxaana dhisay injineero aqoon badan u leh hannaanka garoomada diyaaradaha loo dhiso waxaana loogu talo galay in roob kasta oo caasimadda ka da’aa in aanu daad ku soo rogi Karin, guud ahaan dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan kana soo degaan iyo garoonka dhismeyaashiisa oo dhan. mana jirto meel keliya oo uu daad kaga soo jabi karaa, waxa kale oo loo sameeyay hannaan biyo shub oo caalami ah oo la mid ah qaabka ay u dhisan yihiin garoomada caalamku. biyaha roobka inta dusha kaga dhacdana dhinacyada ayuu iskaga rogaa oo way ka shubmaan, hannaan biyo mareen oo aanay dib ugu soo noqon karin dhabbahana way maraan.

Markaa ciddii warkaa qortay waxaanu u aragnaa in ay ku hadlaan afka mucaaridka oo ay yihiin warbaahin mucaaridka u adeegta, laakiin mucaarid iyo muxaafidkaba wax mideeya ayaa jira oo ah qarannimada Somaliland, waxaanan u soo jeedinayaa in qalinkoodu aanu qarankooda cadaw ku noqon.”

Maamule Maxamed Yuusuf oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida ay u hubiyaan caafimaad ahaan iyo ammaan ahaan ba dadka dalka ka soo gelaya madaarka uu masuulka ka yahay, ayaa ku jawaabay. “horta waxa jira wax caalami ah oo madaarada dunida oo dhammi ay ku dhaqmaan oo ah dadka soo gelaya dalkooda in ay ogaadaan caafimaadkooda iyo halka ay ka yimaadeen iyo in ay falal nabad gelyo darro ku calaamadsan yihiin, arrimahaana madaarada waxa kala shaqeeya waaxda socdaalka iyo wasaaradda caafimaadka, labadaasina Madaarka Cigaal ee Hargeysa way ka hawl galaan, qof kasta oo garoonka ka soo degaya oo dalka soo gelayana waa qof la hubiyay caafimaadkiisa oo wasaaraddeena caafimaadku eegtay, isla markaana in uu yahay qof caalamka dambiile kaga suntan ama falal amni darro ku eedaysan in uu yahay iyo in kalena waaxda Socdaalka ayaa hubisa. markaa Madaarka waxa ka soo dega qof caafimaad ahaan iyo amni ahaan ba laga hubiyay dalka, waana marin caalamka aynu isaga gudubno oo sugan ammaan ahaan iyo caafimaad ahaanba. waxa kale oo sidaa si la mid ah loo hubiyaa cid kasta oo dalka ka dhoofaysa si loo ogaado caafimaad ahaan iyo ammaan ahaanba, loona dhawro xidhiidhka aynu caalamka leenahay.”

Maxamed Yuusuf oo la waydiiyay xidhiidhka ay madaarada caalamka leeyihiin ayaa ku jawaabay. “Madaarada caalamka xidhiidh wada shaqayneed oo aad u wanaagsan ayaa naga dhexeeya, waxaanan ka wada shaqaynaa arrimaha nabad gelyada iyo bad qabka dadka dalalka iskaga gudbaya. waxa kale oo aan ka wada shaqaynaa in aanu iska kaashano in cid fal dambiyeedyo nabad gelyada dalalka ka dhan ah ku eedaysani in aanay dhanka madaarada isaga gudbin dalalka, taas oo dalal badan oo caalamka garoomadooda caalamiga ah aanu ka wada shaqayno.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply