Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland oo Qabanaya Tartanka Orodka 10KM iyo 5KM

0
294

Hargaysa (Dawan)- Agaasimaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay 27-ka bishan magaaladda Hargaysa ka qabanayaan tartan orod oo kala ah 10KM iyo 5KM.

Mustafe Cabdi Xadi, agaasimaha xidhiidhka ciyaaraha fudud, waxa uu sheegay in tartankaasi uu ka dhici doono garoonka Hargaysa Stadium ay ka qayb geli doonaan kooxo kala kala socda 8 degmo ee caasimadda.

Agaasimaha oo shalay la hadlay warbaahinta qaranka waxa kaloo uu intaa ku daray in maalmihii u danbeeyay ay ku hawlanaayeen diiwaangelinta kooxaha ka qayb gelaya tartankaasi, iyadoo hawshaasi ay shalay soo dhamaatay, isla markaana tartanka la qabanayo maalinta Jimcaha ee 27-ka bishan.

Isagoo arrimahaasi faahfaahinayayna waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka iclaaminayaa in aan qaban doono tartanka Oro doo kala duwan, anagoo xidhiidh ahaan dardargelinayna hawlaha shaqo ee noo yaalay.

Tartankaasi Orodka ah oo aanu dhalinyaradda ku dhiirigelinayno, waxaanu ugu tallo galnay oo aan u qabanaynaa degmooyinka caasimadda Hargaysa, waxaana ka soo qayb geli doona 8-da degmo ee Hargaysa. Iyadoo diiwaangelintu ay maalmahan ka socotay wasaaradda imikana uu gebagabo ku dhaw yahay.

Tartankaasi waxa uu bilbaabmayaa 27-ka bishan oo ku began maalin Jimcaha gelinka danbe. Iyadoo dhalinyaradda tartankaasi ka qayb gelayaa ay isugu iman doonaan garoonka kubbadda cagta ee Hargeisa Stadium”.

Dhinaca kale guddoomiye Mustafe Xadi, waxa uu ka hadlay u jeedadda laga leeyahay qabashadda tartankaasi iyo sidoo kale inta qaybood ee uu kala yahay. “U Jeedadda aanu tartankaasi u qabanaynaa waxay tahay sidii naadiyadda heerka kowaad ee orodadda aanu u samayn lahayn.

Tartankaasi orodka ahna wuxuu u kala baxayaa 5KM oo aanu ugu tallo galnay orodyahanadda bilawga ah, ee loo yaqaano Zero B iyo Zero C ayaanu ugu tallo galnay in ay ka qayb qaataan.

Waxaanan doonaynaa in aan ka soo xulno naadiga heerka kowaad oo aanu samaynayno, waayo imika hal naadi ayaa jira. Waxaanan qorshaynaynaa in aanu naadiyo kale ku soo kordhino.

Tartanka labaad-na waa 10KM waxaana ka qayb gelaya orodyahanadii hore u geli jiray tartanadda orodka iyo kuwii dhexeba way ka qayb qaadanayaan” ayuu yidhi Mustafe Cabdi Xadi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply