Danjire Cawil oo Guddoomiye Cirro ku Sifeeyay Nin Siyaasadda ku Siqiiray

0
291

Hargeysa (Dawan)- La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee wada hadalada Somaaliland iyo Soomaaliya Amb. Xuseen Cali Ducaale Cawil, ayaa sheegay in qiimaha siyaasiga la ogaado marka uu guul darraysto, isla markaana ku tilmaamay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro nin siyaasadda ku siqiiray oo guul darradiisii lagu ogaaday.

Amb. Xuseen Cali Ducaale, waxa uu sheegay in uu aad uga xumaaday haddaladii dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaam Maxamed Cabdillaahi Cirro, hadalkaas oo uu ku sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu galay dembi qaran, isla markaana maxkamad la soo taago.

Xuseen Cali Ducaale oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Horta waan dhibsaday in uu sidaa u hadlo oo uu madaxweynihii hore uu yidhaahdo dambi qaran ayuu galay, taas oo ah mid aan jirin, dambi waxaa la yidhaahdaa marka qofku uu dalkiisa khiyaameeyo ee uu sirtiisa cadaw u gudbiyo ee uu cadaw ku soo hoggaamiyo. madaxweynaha maantana xil baa dalka ka saaran, haddii uu wax arkayna waxay ahayd in uu Madaxweynaha u yimaaddo  oo uu yidhaahdo Madaxweyne waxaas ayaa qaldan ee wax ka qabo, laakiin isaga oo aan Madaxweynihiiba la kulmi mayo, haddana waan hadlayaa  oo arki mayo, adiaga oo berri madaxweyne doonaya aday wax kuu dhimaysaa. Ninka siyaasiga ahna waxaa qiimihiisa la ogaadaa marka uu guul darraysto.  madaxweynihii hore  ee Somaliland Siilaanyo markii uu mucaaridka ahaa wuu u iman jiray Madaxweyne Rayaale oo way wada tashan jireen oo arrimaha qaranka ka wada hadli jireen oo isaga oo Muuse la socdo ayuu Siilaanyo la kulmi jiray Rayaale, markaa Cabdiraxmaan haddii uu diido in uu madaxweynaha la kulmo oo arrimaha masiiriga ah ay ka wada hadlaan isaga ayay siyaasad xumo ku tahay haddii uu sidaa ku sii socdana wuu  ku siqiirayaa siyaasadda.”

Amb Cawil, dhinaca kale waxa uu dawlada Soomaaliya ku eedeeyey inay diidan tahay horumarka Somaliland, waxaanu yidhi “Dawladuhu marka ay is hayaan iyaga oo dagaalamaya oo xabadi socoto ayey hadana wada hadlaan, innaga oo ay ahayd inay ka xishoodaan ka hadalka horumarkeena oo ay u ekaadaan inay diiddan yihiin oo ay ka  xun yihiin inaynu noolaano dhibteeda ayey leedahay, israacana annaga ayaa keenay iyaguna way diidanayeen, calanka Soomaalidana annaga ayaa sidi jirnay, waxaan ku idhaahdaa marka aan safaaradaha kula kulmo Nairobi calanka annaga ayaa sidi jirnay oo waanu dhignay, car iyagu ha qaadaan, Soomaali-nimada layskama masixi karo laakiin  laba dawladood oo walaalo ah oo jaar ah ayaa la noqon karaa, afxumaduna way sii kala fogaynaysaa.”

Amb Cawil ayaa sheegay in Somaliland ay heshiiskan dekeda iyo  ka saldhigga la gashay dalka Imaaraadka, isaga oo duray dhawaaqii ka soo yeedhay wasiirka ka tirsan dawladda Imaaraadka  “Heshiiskan waxaanu la galnay Dubai, Siilaanyana waa kii la kulmay boqorka waxay wada ogyihiina weeyaan, dawladahana nin ayaa waxa uu doono ku hadla, ninkana waa mid si fool xun u hadlay, wasiirkuna dublamaasiyad ayuu ku hadlaa laakiin isaga waxaad mooddaa nin bannaanka taagan oo waxa uu u hadlay si qaawan oo ay ka muuqato khibrad la’aan, dawladduna way u qortay inay Imaaraadku jawaab ka soo bixiyaan, waanay ka soo jawaabeen inay ka xun yihiin hadalka ninkaas oo wefti culus ayey soo direen, hadalkaasina wax uu inoo dhimayaa ma jirto.”

Amb Cawil ayaa ka hadlay wada hadalkii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya waxaanu yidhi “Somaliland iyo Soomaaliya aduunka ayaa yidhi wada hadla, wada hadalna lama diido, hadaad diido wada hadalna waxa laguu arkayaa nin ka hor yimid aduunka, markaa Soomaaliya waynu wada hadlaynaa aduunkuna wuu isku keen dhagaysanayaa.”

Ugu dambayn Amb Cawil ayaa soo bandhigay heshiisyada ay ka baxday dawlada Xamar waxaanu yidhi “Way ka baxeen heshiiska hawada inaanu qaybsano waliba 60% ayaanu siinay, inaan laga hor iman mashaariicda horu marka waa lagu heshiiyey oo way ka baxeen, waddadii laamida ahayd ee Berbera Corridor iyana way ka dacwoodeen.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply