Ganacsato la Sheegay in ay Dalka Soo Geliyeen Badeecad Gef ku Ah Diinta Islaamka

0
274

Hargeysa (Dawan):- Ganacsatada dibedda wax ka soo dejiya ayaa dalka soo geliyay sharabaaddo uu ku qoran yahay magaca ALLE, taas oo gef iyo meel ka dhac ku ah in ummad Muslim ah dalkeeda waxyaabaha noocaas ah la keeno oo laga ganacsado.

Gudoomiyaha hay’adda diiwaanka Zakada Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax ayaa ka digay isticmaalka sharabaadadan la sheegay in magaca ALLE ku qoran yahay oo dalka la keenay .

Sheekh Siciid Maxamed Faarax guddoomiyaha diiwaanka Zakada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay sharabaadada magaca ALLE ku qoran yahay ee dalka la keenay, waxaanu u soo jeediyay ganacsada keentay in ay gubaan oo aan waxyaabaha diinteena iyo Islaamnimada lagula dagaalamayo in aanay ganacsi ka dayin.

Waxa kale oo uu u soo jeediyay Wasaaradda Ganacsigu in ay la socoto waxyaabaha dalka la soo gelinayao, waxaanu yidhi “Waxa la ii keenay arrin mucjiso igu noqotay, dushana calaamada Adidaska ku leh, hoostana magaca Eebbe ku xardhan yahay, gudaha magaalada Hargeysa ayaa lagu iibinayaa, waa ayaan darrooyinka ina heysta, tijaarta iyo ganacstada sharabaadadan keenay ee soo dejiyay waa laba mid uun, in ay ogyihiin iyo inaanay ogeyn, haddii aanay ogeyn oo aynu innagu u badineyno inaanay arrintaasi war u heyn waa Al-xamdulilaah, waana in imika la baabiiyo oo inta hadhay la gubo, ayaa wajib ku ah, cidda ay khuseyso oo wasaarada ganacsigu ugu horreyso waa inay wax ka qabato”

Sheekh Siciid, waxa kale oo uu ugu baaqay ganacsatada Somaliland in ay dalka ka sameeyaan warshado yar yar oo wax soo saar, waxaanu yidhi “Wax kale oo aan ugu baaqayaa tijaarta iyo dadka wax heysta inay sameeyaan warshado wadanka u horseedi kara shaqo abuur lagaga baxo camal la’aanta baahsan ee wadanka ka jirta. Ajar baa kuugu jira oo guryahaasi iyo shaqada aad furto dhalinyaradeena meheradaha shaaha bilaa camalka la fadhiya ayaa shaqo heli lahaa, warshad sharabaado yar soo saartaa wax weyn maaha, haddii la inoo furi lahaa maanta qof China iyo meel kale midna inoogamuu keeneen iyada oo ALLE magaciisa lala dagaalamayo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply