Wasiirka Maaliyadda oo Sheegay in ay Hir-gelinayaan Xeerka Kala Xadaynta Ganacsiga

0
293

Berbera (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Jamhuuriyada Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa ganacsatada Somaliland u diray farriin la xidhiidha nidaamka cashuur bixinta, waxaanu sheegay in ay dhawaan hir-gelin doonaan xeerka kala xadaynta ganacsiga Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda ahaan ay dhiiri gelinayaan in hantida ummada loogu sinnaado sida loogu siman yahay cashuur bixinta, waxaanu tilmaamay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee uu ka tirsan yahay hal ku dhigeedu yahay sarraynta sharciga.

Mudane Yuusuf, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay kormeer hawleed oo uu ku tagay haamaha shidaalka ee magaalada Berbera, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dadka cashuur bixiyayaasha ahi waxay u qaybsamaan marka hore dad soo dejiya oo soo dhoofiya alaabta, markay soo dejiyaan ayaa laga cashuuro, halkan lagama cashuuro oo ganacsatadu iyaga ayaa gacanta ku haya haamaha oo shidaalka ku shubta, markay ku soo shubaanna cidi kama cashuurto, marka ay iibiyaan ayaa la cashuuraa, oo dollar baa laga qaadaa, iibiyaha ayay lacagtu saaran tahay. Iyada oo ay ahayd soo dejiyaha in laga qaado cashuurta koobaad ee shidaalka ku waajibtay, marka labaadna qofka jumladlaha ah ee lagu wareejinayo laga qaado cashuurta iibinta, marka saddexaadna dadka qaybinaya iyo kaalmaha laga qaado cashuur, sida uu dhigayo xeerka kala xadaynta ganacsiga.”

Wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland waxa uu sheegay in ay dhawaan hirgelin doonaan xeerka kala xadaynta ganacsiga, waxaanu yidhi “Xeerkaas kala xadaynta ganacsiga oo hoos taga wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska waanu hir gelin doonaa, dawladda hal-ku-dhigeeduna waa sarraynta sharciga, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadda uu hogaaminayo dhawaan waxaa ka soo bixi doona go’aan farxad leh oo shacbi waynaha reer Somaliland ay ku farxi doonaan oo arrintan ku saabsan, iyada oo ay tahay sida ay dadku ugu siman yihiin in ay cashuurta bixiyaan ayay tahay in hantida ummadana ay ugu sinnaadaan, sidoo kale ayay tahay in ay hantida ummadana ugu sinnaadaan.”

Wasiir Yuusuf waxa uu sheegay in xukuumad ahaan ay dhiiri gelinayaan in loo sinnaado hantida ummada, waxaanu yidhi “Sidoo kale in ay wax waliba noqdaan wax daah furan, la xisaabtan furan leh oo ay ummada oo dhami u siman yihiin. Dawladdani maaha mid inyar oo kooban naaxinaysay oo in yar oo kooban ay hantida dawladdu ku baxaysay, waa dawlad ummada u siman, si daah furanna nidaamkeeda cashuureed, dakhliyeed iyo shaqo loo arki doono, ogol la xisaabtan iyo in ay bulshada u soo bandhigto waxa ay qabatay, sidoo kalena ay abuurto kalsoonida shacbi waynaha Somaliland oo ay aaminaan kuna kalsoonaadaan dawladdooda iyo qaabka ay wax u waddo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply