Khaasare ka Dhashay Roobab Dabaylo Wata oo Ka Da’ay Awbarkhadle

0
482

Aw-barkhadle (Dawan)- Hal qof ayaa ku dhintay kow iyo labaatan gurina way ku dumeen ka dib roobab xoogan oo dabaylo wataa oo ka da’ay deegaanada Aw-barkhale iyo caro-baydhe oo dhinaca bari kaga beegan Magaalada Hargeysa .

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid tahay Wasiirka Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil (baandare) Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex Jaamac xaaji Axmed, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka, Faysal Cali Sheeekh Ayaa halkaasi gaadhay , waxaanay ka warbixinyeen khasaaraha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee ka da’ay barga Gobolka Maroodi-jeex .

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa warbaahinta u xaqiijyey in roobabka ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed “ roobkani dhibaatoooyinka uu gaystay wax aka mid ah laabatan guri oo isugu jira Jiinagado iyo guryo dhisme ah oo dumay oo agabkii iyo raashinkii ay haysteen uu kala tegay iyo gaadhi raashin ka keenay berbera oo laga badbaadiyey wadihii baabuurka “ ayuu yidhi

Guddoomiyaha Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka, Faysal Cali Sheeekh ayaa sheegay in Xukumaddu ay dadka wax u qaban doonto loona soo gurman doono isga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “ Nimcadu nusqaana way leedahay wanaagna way leedahay waxaanu eegi doona dadka wixii khasaare soo gaadhay qaranku wixii uu la qaban karo wuu la qaban doona mid baase muhiim ah gadiidlaydu dooxyada umadda dhan nafahooda iyo hantidooda ay khatar ku gelinayaan arrintaasina mid la qadan karo maaha ee waxa ay u baahanahay in ay ka feejignaano “

Wasiirka deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare) ayaa sheegtay in Maanta oo sabti ah ay gurmad gaadhsiin doonaan dadka ku waxyeeloobay roobabka dabaylaha watay ee ka da’ bariga gobolka Maroodi-jeex .

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in uu hal qof ku naf waayey kow iyo laabatan gurina ku dumee roobabka, sida oo kale uu dooxa Aw barkhadle qaaday laba gaadhi oo kuwa xamuulka qaad ah , iyada oo lagasoo badbaadiyey wadayaashi gadiidka balse ay ka dhalatay khasaate hantiyeed .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply